Breaking NewsChampions LeagueWARARKA MAANTA

ISKU-AADKA KOOBKA CHAMPIONS LEAGUE 2020-21 OO LA SAMEEYEY

Barcelona ayaa wajihi doonta Juventus kulamada group-yada koobka xiisaha badan ee naadiyada yurub Champons League kadib markii ay galeen Group G isku-aaadkii lagu sameeyey magaalada Geneva ee dalka Swezerland.

Sheekada xiisaha badan ayaa ah, in kooxahan awoodda badan kulankoodu ay isku arki doonaan Cristiano Ronaldo iyo xiddiga Barcelona Lionel Messi markii ugu horeeysay tarn iyo markii Ronaldo u dhaqaaqay Juventus ee uu ka tegey Reak Madrid 2018.

Labada ciyaaryahan ayaa qeybsadey 11 kamid ah 12-kii Ballon d’Or intii ay wada joogeen  horyaalka La Liga waxaana kulankoodu uu noqon doonaa mid aad u xiiso badan.

Kulamada Group-yada ee Koobkan ayaa Sanadkan bilaaban doona 20 October Halka kulanka finalka ah la qorsheeyey inuu dhaco 29-ka bisha May 2021 kaasi oo lagu dheeli doono  Ataturk Stadium in Istanbul.

ISKU-AADKA GROUP-YADA OO DHAMEYSTIRAN:

Group A: Bayern Munich, Atletico Madrid, Salzburg, Lokomotiv Moscow

Group B: Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Inter Milan, Borussia Monchengladbach

Group C: Porto, Manchester City, Olympiakos, Marseille

Group D: Liverpool, Ajax, Atalanta, Midtjylland

Group E: Sevilla, Chelsea, FK Krasnodar, Rennes

Group F: Zenit St Petersburg, Borussia Dortmund, Lazio, Bruges

Group G: Juventus, Barcelona, Dynamo Kyiv, Ferencvaros

Group H: Paris St-Germain, Manchester United, RB Leipzig, Istanbul Basaksehir

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button