ELMAN OO KARBAASH LA DHACDAY JAMHUURIYA KULANKII GALABTA EE KOOBKA JEN.DAA’UUD
Kooxda Kubbadda Cagta ELMAN ayaa karbaash la dhacday kooxda JAMHUURIYA kulan ciyaareed ku tirsan koobka Jeneraal Daa’uud kuwaa oo ku wada jira Group-ka D,kulankaa oo ka dhacay garoonka Eng-yariisow Ex Koonis degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.
kooxda Elman ayaa sameeysay weeraro is daba joog ah biloowgii kulanka tasoo ay ku heleen goolal u muuqdey kuwa quusin karey kooxda kasoo horjeeday ee Jamhuuriya, daqiiqadii 9-aad ayey Elman heshay goolkii koobaad ,waxaana u saxiixay Ciyaaryahanka Lambarka 12-aad C/Fataax Aawoow, waxaana layaab aheyd in markii kooxda Jamhuuriya ay baasatay goolka laga dhaliyey daqiiqad kadib hadana kubadda la dhaafiyey Shabaqooda, waxaana goolkaasi labaad u dhaliyey saxiixa ku cusub kooxda Avemah Shafiq,halkaa kuma uusan hakan weeraryahankaasi wuxuu markale helay goolkii saddexaad ee kulanka daqiiqadii 21-aad goolkaasi oo ahaa mid aad u qurux badnaa oo uu ka toogtay Afka Diilinta 18-aad,
hase yeeshee daqiiqadii 29-aad ee kulanka ayaa dhankiisa Ciyaaryahan C/fataax Aawoow isna wuxuu helay goolkiisii 2-aad oo ahaa midkii 4-aad ee kulanka, in kulanka lagu kala nasto 5-0 oo ay ku hogaamineeyso Elman waxaa sababay xiddiga lambarka 7-aad Xamza, kahor inta uusan gool usoo celin kooxda Jamhuuriya Saadaq cabdi, waxaana xusid mudan in Xamza dhaawac uu kasoo gaaray Muruqa loo bedelay isla qeybtaasi koobaad
markii lasoo laabtay ayey Elman heshay Gool-kulaad daqiiqadii 58-aad laakiin waxaa ka qasaariyey Lambarka 11-aad Nuur Iraad oo loo taagay kaarka Hurdiga markii uu si sharciga ka baxsan uu u laaday,laakiin isla isaga Nuur Iraad ayaa saxiixay 3 gool sheekadana ka dhigey 8-1, halkaasoo uu ka kacay saddexleey kulankuna kusoo dhamaaday 8-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Jaalayaasha Elman.
kulamada kale ee xiga ELMAN waxay wajihi doontaa kooxda GEESKA AFRICA halka kooxda JAMHUURIYA ay la dheeli doonto MIDNIMO waxayna kulamadaasi oo ah kuwa ugu danbeeya ee wareega koobaad dhici doonaan 7-da bishan Oktoobar.