Tababarahii kooxda Horseed oo sheegay in uu katagay shaqada kooxda ?
Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo ahaa tababarihii kooxda ciidanka xooga qaranka ayaa sheegay in uu soo dhamaaday waqtigiisii kooxda Horseed asiga oo shaaciyay in wixii ka dambeeyo manta uu ka tagay shaqada kooxdiisa.
Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) oo Horseed soo maamulay muddo laba sano iyo lix bilood ah ayaa ka tagistiisa shaqada kooxda Horseed ku sheegay in ay tahay in uu soo dhamaaday qandaraaskii uu kula jiray kooxda cawa iyo maalin.
Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) inta uu ku sugnaa kooxda,waxa uu la gaaray hishiis waa wayn,waxa uu kula guuleestay koobka janaral daa’uud 2019 iyo sidoo kale koobkii lagu xusaayo munaasabadda 1-da lulyo oo sidoo kale ahayd dib u furka garoonka Stadio Muqdisho.
Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) markii ugu dambeesay uu soo maamulay kooxda ,waxa ay ahayd kulankii kooxdiisa ka hortaktay kooxda Batroolka kulan ka tirsan koobka Janaral Daa’uud,waxa uu kulankii daah furka ka badiyay kooxda sida wayn ay u xafiiltamaan Horseed ee Heegan,kulan furitaan u ahaa koobka Janaral daa’uud 2020.
Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa warayso kooban uu siisay Astaansports ku sheegay,xaqiiqdii xili hore ayuu dhamaaday hishiiska kooxda,waxa uu ahaa xiligii uu dhamaaday markii uu soo dhamaaday horyaalka Soomaaliya,wixii xiligaa ka dambeeyay kooxda qaab caawinaad ah ayaa u joogay,ayadoo codsigaas uu ka yimid gudoomiyaha kooxda Horseed,waxaa rabaa in aan fursaddaan ugu faaideesto maamulka,ciyaaryahanada,taageeryaasha iyo macalimiinta ila soo shaqeeyay dhammaan waxaa leeyahay mahadsanidiin.
Kooxda Horseed xili ciyaareedkii hore 2019/2020,waxa ay ku dhameestay booska Afaraad,waxa ay la yimaadeen 34 dhibcood,waxaa ay guuldaro soo gaartay laba ciyaar iyo 7 guuldaro ah.
Laba sano iyo lix bilood uu maamulaayay kooxda Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon).,waxa uu soo maamulay 50 kulan waxa uu guuleestay 32 ciyaar 12 bareejo ah iyo lix guuldaro ah.
Waxa uu ku guuleestay koobka Janaral Daa’uud iyo koobka dib u furka ah Garoonka Stadium Mogadishu….