Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking NewsGeneral DaauudWARARKA MAANTA

GAADIIDKA OO SI ARXAN DARRO AH UGA BADISEY GANTAALAHA AFGOOYE KOOBKA JEN.DAA’UUD 2020

Kooxda Kubbadda Cagta ee GAADIIDKA ayaa  guul daro xanuun badan u saarisey kooxda Degmada Afgooye ka timaada ee GANTAALAHA kadib kulan qeybka ahaa kulamadii ugu danbeeyey ee Group-yada gaar ahaan Group B, ciyaar ka dhacday garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Gaadiidka ayaa la yaab ku dhigtey kooxda Gobolka Shabeelaha hoose kadib markii qeybtii koobaad ee ciyaarta goolal u muuqday kuwo lagu quusan karo ay ka dhalisey waxaana Gaadiidka awood u yeelatay iney 6-0 lagu kala nasto qeybtaasi hore, iyadoo saddexleey u dhaliyey Ciyaaaryahankooda lambarka 23-aad ee Steven halka ciyaaryahan Emeroi oo Lambarka 14-aad u qaatana uu dhaliyey 3 gool oo midka koobaad ahaa gool-kulaad.

Markii qeybta labaad leysku soo laabtay  ayaa waxaa halkii kasii socdey weerarkii iyo lagu qaadayey goolka kooxda Gantaalaha o u muuqday kuwa aan la soconba sida ay wax u socdaan, waxaana dhacday in sidoo kale laga dhaliyo ilaa 4 gool oo kale oo halkaasi ay markale ka muuqdeey labada ciyaaryahan ee Ajaaniibta ahaa, iyadoo Steven uu halkaasi ku xaqiijiyey Affarareey inuu dhaliyo,

Ugu danbeyntii kulanku wuxuu kusoo dhamaaday 9-0 oo kooxda GAADIIDKA ay ku xaqiijyeen kaalinta Koobaad ee dhanka Group B ineey kusoo gudbaan iyagoo min 7 dhibic ay wadaagaan kooxda MCC laakiin Gaadiidka koobaad kusoo gudubtay,Garsooraha Ciyaarta ayaa waxaa uu bixiyey ilaa 5-kaarka digninta oo saddex kamida ay qaateen ciyaartoyda kooxda  Gantaalaha oo qeybta ugu hooseysa ku hartay iyagoo 12 gool laga dhaliyey.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button