Breaking NewsGeneral DaauudWARARKA MAANTA

KOOXDA MUQDISHO CITY OO AWOOD UGU SOO GUDUBTAY W. 2-AAD KOOBKA JEN.DAA’UUD 2020

Kooxda Kubadda Cagta ee  Muqdisho City Club ayaa  guul kusoo gabo gabeeysay kulamadii groupka ee koobka Jeneraal Daa’uud  markii ay galabta quusisey kooxda Badbaado ciyaar xiiso lahayd oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Eng-yariisow degmada C/casiis kulan ku tirsanaa Group-ka B.

Kooxda Muqdisho City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 10-aad waxaana markaasi gool qurux badan usaxiixay xiddigooda lambarka 10-aad  Feysal Xasan Xaashi kaasi oo caawin ka helay ciyaaryahan  C/qaadir eenow Benteke, wax badan kuma qaadan MCC iney hogaanka ciyaarta dheereeyaan, waxaa markiisa shabaqa kubadda dhaafiyey  daqiiqadii 16-aad Weeraryahan C/qaadir Eenow Benteke waxaana kulanka qeybtaasi hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen kooxda MCC iyadoo 2 ciyaaryahan oo labada dhinac la siiyey karaka Jaalaha qeybtaasi.

Markii dib loo soo laabtay Qeybtii labaad ee kulanka ayey dhinacyadu sameeyeen weerar ay midba ku doonayeen iney shabaqa ku tagaan  waxaana kooxda MCC daqiiqadii 62-aad  markale hogaanka u dheereeyey ciyaaryahankii bilaabay shabaqa ee Feysal X.Xaashi, laakiin kooxda BADBAADO oo sameeysay labo bedel ayaa u muuqatay mid dooneysay iney soo celiyaan deynta waxaana ay heleen Labo gool daqiiqadihii 60-aad, 75-aad waxaana u saxiixay Ciyaaryahanada Xassan kaafi iyo Ibraahim Siciid,

 hase yeeshee waxaa markale niyadda ka dilay oo hogaanka u dheereeyey kooxda MCC Lambarka 10-aad Feysal Xassan Xaashi daqiiqadii 85-aad, kaasoo halkaasi ku dhameeystirey saddexleey kulankana wuxuu kusoo dhamaaday 4-2 oo MCC ku xaqiijisey kaalinta labaad ee Group B, maadaama kooxda GAADIIDKA ay ku tumatay Gantaalaha Afgooye oo ay uga badisey 9-0.

Tartankan Koobka Gen-Daa’uud ayaa ah Koob ay ku Xisaabtamaan kooxaha Dalka iney ku guuleystaan, waxaana ka qeybgala kooxaha kaalimaha hore kasoo gala horyaalada kala duwan, iyadoo sanadkan ay ka qeybgalayaan ilaa 16-kooxood, oo loo qeybiyey 4 Group.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button