ArsenalBreaking NewsMAN UNITEDS.KALA IIBSIGAWararkaWARARKA MAANTA

Muxuu kusoo xirmay Suuqa Iibka Ciyaartoyda ee Premier league ? saxiixyadii dhacay & kuwa fashilmay

Akhyaarta waxaa halkaan idin kugu soo Bandhigeynaa Dhaq Dhaqaaqii Suuqa iibsiga Ciyaartoyda ee Premier League ee Caawa sida uu ku xirmay iyo waxa u suurta galay Kooxaha Hamiga sare ka lahaa Suuqa iney ka qaataan ciyaaryahano kuwa helay iyo kuwa guul dareeystay:

Everton ayaa suuqa dhigtey Sandro Ramirez – kaasoo ugu danbeystii u wareegay kooxda Spanish-ka ee  Huesca

Kooxda dhowaan soo dalacday ee Huesca ayaa heshiis Xor ah kula saxiixatay weeraryahankii Everton Sandro Ramirez

25-sano jirkaan ayaa saddex sano u saxiixey kooxda reer Spain.

GUUL DAREYSTAY! Manchester City daafaceeda Eric Garcia ayeysan suurtogelin inuu aado Barcelona

Labada dhinac ayaa ku heshiin waayey qiimaha lagu qaadan karo 19-sano jirkaasi markii reer Catalan ay diidey qiimaha City dooneysay.

Kooxda LaLiga ayaa rajo ka qabtay in ugu danbeystii City ay aqbali doonto, in Rafinha Alcantara,ay soo raaciso lacagta dhan £13.6million oo ay horey u joogtay, laakiin kooxda Magaalada Manchester ayaa ku gacan seertay.

Guul daro ayuu ku dhamaaday hamigii West Ham ku dooneysay iney Amaah ku qaadato  Fikayo Tomori

West Ham isku deygeedii ay ku dooneysay iney ku hesho daafaca  Chelsea  Fikayo Tomori ayaa guul daro ku dhamaaday,. 

Tomori ayaa lasoo weriyey in saacaddu markey ahayd 10:50pm uu gebi ahaanba diidey inuu aado kooxda Hammers. 

West Ham were considering a deadline day move for Chelsea defender Fikayo Tomori

LA DHAMEYSTIRAY: Arsenal ayaa xaqiijisey iney gacanta kusoo dhigtay Atletico Madrid khadkeeda dhexe Thomas Partey!

Gunners taagerayaasheeda ayaa –waxaa la dhihi karaa ku raaxeysta shaqadiisa!

Arsenal ayaana ugu danbeystii sheegtay in Bur buriyihii reer Ghana iyo Atletico Madird  Thomas Partey, soo heshay,iyadoo 27-sano jirkaan markii hore Gunners lagu soo celiyey lacag dhan £45million ! laakiin labada dhinac ayaa hadda xaqiijiyey in lagu heshiiyey ugu danbeystii.

LA DHAMEYSTIREY : Everton ayaa si amah ah kula soo qareegtay gool celiyaha Roma ee Robin Olsen,

Everton ayaa ugu danbeystii caddeeysay iney si amah ah kusoo qaadatay Robin Olsen kaasoo katirsanaa kooxda Italy ee Roma.

Shabaq ilaaliyaha reer Sweden  ee 30,sano jirka ah, ayaa noqonaya  Saxiixii Lixaad ee kooxda intii uu furnaa suuqa waxaase aad ugu adkaan doonta inuu Dookha koobaad kala bixi karo Jordan Pickford.

GUUL DAREYSTAY! Everton garabkeeda Bernard ayaa ku sugnaan doona Goodison Park wallow lala xiriirinaayey inuu aadi doono kooxda Roma.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Everton  Bernard ayaa saacadihii ugu danbeeyay go;aansadey inuu iska joogayo Goodison ee uusan dooneynin Roma.

LA DHAMEYSTIRAY: Lucas Torreira oo katirsanaa Arsenal ayaa si amah ah ugu wareegay kooxda Atletico Madridl

Mid waa yimid Midna wuu ka tegey Arsenal – Lucas Torreira ayaa kasoo muuqan doona dhanka caasimadda Spain kooxda kadhisan ee Atletico Madrid. 

Ciyaaryahanka xulka Uruguay  kaasoo 89 kulan u saftay Arsenal tan iyo xiligii uu kusoo biirey 2018.

.

LA DHAMEYSTIREY: Edinson Cavani ayaa ugu danbeystii kuso0o biirey kooxda Manchester United

Dhaliyahan reer Uruguay ayaa six or ah ugu soo biirey United isagoo kasoo dhaqaaqay PSG oo uu ka heysto record-ka dhaliyaha ugu sareeya, sidoo kale Man Utd waxay la saxiixatay Wiilka Porto Telles da’yarta bidixlayaasha ah ee Diallo iyo Pellistri

DHAMEYSTIRAN: Ciyaaryahanka garabka ee reer Brazilian Raphinha  ayaa Lacag dhan £17m ugu dhaqaaqay kooxda Leeds

Laacibkii caanka ahaa ee Walcott ayaa si amah ah ugu laabtay kooxda Southampton.

Everton ayaa qaadatay daaficii Norwich Godfrey kaasi oo la aaminsan yahay inuu ugu kacay aduun dhan £30m

FG: Waxaa jira Kooxo kale oo qaatay Ciyaaryahano si amaah iyo kuwo iibsadayba iyo kuwo uu suuqa ku xirmey laakiin intaan ayaanu kusoo koobnay Mahadsanidiin.

BY C/Xafiid C/samad zaciimka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button