Breaking NewsGeneral DaauudWARARKA MAANTA

DEKEDAHA OO GUUL KU XAQIIJISEY KAALINTA 1-aad & SAXAFI OO GUUL HESHAY JENERAAL DAA’UUD 2020

Naadiga Kubadda cagta Dekedaha ayaa guul ku xaqiijisey kursiga koobaad ee kala horeynta group C ciyaartii galabta ka dhacday garoonka Eng-yariisoow ee u dhexeeysay Dekedaha iyo Jeenyo, taasoo ay u joogeen  qaar kamida taageerayaasha labada dhinac.

Wallow labada kooxood ay horey usoo gudbeen oo min Lix dhibic shaqeesteen ayaa hadana kulankooda lagu eegayey kooxdii si awood ah kaga soo gudubta Group-ka, daqiiqadii 12-aad ayey u suurta gashay DEKEDAHA iney hogaanka qabtaan markaasoo Gool-kulaad loo dhigey uu shabaqa dhaafiyey lambarka 10-aad C/casiis maxamed Catoosh, dhamaadka qeybtaasi koobaad daqiiqadii 45-aad ayuu sidoo kale Catoosh dhaliyey Laad Xor ah (Free Kick) sidaa ayaana qeybta hore kulanka lagu kala nastay 2-0 hogaanka ku hayeen DEKEDDA.

Ciyaaryahanka lambarka 3-aad ee Jeenyo ayaa karaka Hurdiga ee digniinta qaatay qeybtaasi koobaad, iyadoo Jeenyo sameeysay Labo bedel lambarka 21aad iyo lambarka 20-aad ayaa baxay waxaana soo galay Lambarka 7-aad iyo 8-aad.

Marki dib lo soo laabtay ayaa waxaa halkii kasii socday weerarkii kooxda DEKEDAHA waxaana ay heleen goolkii sadexaad ee ciyaarta daqiiqadii 53-aad waxaana u saxiixay khadkooda dhexe cabaas Amiin, waxaana xusid mudan in Xiddiga kooxda C/casiis Catooosh uu dhameystiray saddexleeydisii markii ciyaarta ka dhigey 4-0 daqiiqadii 72aad sidaana Dekeddaha ku xaqiijisey iney 9-dhibcood kusoo gudubtay halka Jeenyo oo laga badiyey kaalinta 2aad kuoo gudbeen.

Waxaa xusid mudan in Garsooraha kulanka uu Ciyaarta ka saaray daqiiqaddii 83-aad labo ciyaaryahan oo labada dhinac Xassan oo jeenyo u qaata Lamvbrka 8-aad iyo Muxyadiin Afgooye oo Dekedaha katirsan markii ay is Aflagaadeeyeen.

Dhanka kale Isla Group-kaan waxaa kulankii sadexdaad iyaguna wada yeeshay kooxaha Saxafi iyo Waxool oo horeyba u xaqiijiyey iney tartanka isaga hareen,WAXAANA KULANKAASI 2-1 GUUSHU KU RAACDAY KOOXDA saxafi oo saddexdii dhibic tartanka kusoo gabo gabeeysay halka Waxool qeybta ugu hooseysa ku hartay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button