General DaauudWARARKA MAANTA

Koobka Koobabka Janaral Da’ud 2020:Group C oo lagu kala baxay.

waxaa dhammaad ku dhow kulamada la ciyaaraayo heerka Group-yada tartanka kubbdda cagta Janaral Daa’uud 2020.

kulamadii shalay la ciyaaray,waa kulamadii sedexaad ee heerka Group-yada koobka oo sanadkaan ka xiisa badan sanadkii hore.

Group-C waxaa kuwada kulmay Dkeddaha,Jeenyo,Saxafi iyo waxool koox kasta,waxa ciyaartay sedexdii kulan oo xaqa u lahaayeen taas oo ka dhigan in lagu kala baxay group-C.

kooxda Dekeddaha oo sanadkii ku hartay heerka Group-yada koobka ayaa 1-aad kaga soo baxday Group-ka,ayadoo sedexadii kulan ay ciyaartay sedex guul ah gaartay 9 dhibcood iyo 14 gool oo nadiif ah.

kooxda booska labaad kaga soo baxday Group-C waa kooxda sanadkii hore koobka aan ka qaybqaadan ee Jeenyo sedex kulan oo ay ciyaartay,waxa ay badisay laba ciyaar iyo hal guuldaro ah 6 dhibcood iyo hal gool oo nadiif ah.

sidaas waxaa Group-C kaga haray Saxafi oo la timid sedex dhibic iyo Waxool oo hal dhibic heesan ,ka dib markii laga badiyay sedexdii kulan ay ciyaartay tartanka.

maanta waxaa la sugayaa in lagu kal baxo Grou-D oo ah Group-ka ugu dambeeyay afarta Group uu tartanka ka koobanyahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button