Breaking NewsOLYMPICSWararkaWARARKA MAANTAWorld

GABADHA & WIILKA AFRICA EE XALEY JEBIYEY RIKOORADII UGU WAQTIGA DHEERAA ORODKA

Joshua Cheptegei oo reer Uganda ah ayaa jabiyay rikoorkii adduunka ee 10,000m ee raga halka gabadha reer Ethiopia ee Letesenbet Gidey ay jebisey rikoorkii 5,000m ee haweenka  kadib tartankii ka dhacay magaalada Valencia.

Cheptegei, oo 24 jir ah, ayaa saacaddiisu ​​ahayd 26 daqiiqo 11.00 ilbidhiqsi halkaasoo uu kusoo Afjaray rikoorkii 15-sano u yaalay Orodyahan Kenenisa Bekele oo uu ku garaacay in ka badan lix ilbidhiqsi.

Gabadha Orordyahanada ah ee Gidey, oo 22 jir ah, ayaa ku oroday 14 daqiiqo 6.62 ilbiriqsi halkaasoo ay ku jebisey rikoorkii orodyahanada isku wadanka kasoo jeedaan Tirunesh Dibaba tasoo14mins 11.15secs Sameeysay sanadkii 2008.

Waxay ku guuleysteen abaalmarinidii dahabiga ahaa tartanka Sanadlaha NN Valencia World Record Day, oo ah dhacdo hal mar ka dhacda sanadkiiba magaaladaasi  Isbaanishka ah.

“Waan ku faraxsanahay,” ayey yiri Gidey, oo la xusuusto iney ku guuleystay Biladda qalinka ee 10,000m  tartankii adduunka ee 2019 ee ka dhacay Magaalada Doha. “Tani waxay ahayd riyo waqti dheer aan sugayey, aad ayey iigu weyn tahay aniga.”ayeey raacisey.

Ka hor guushaan uu gaaray orodyahanka reer Uganda, Bekele rikoorkiisa adduunka ee 26mins 17.53secs wuxuu ahaa rikoorkii ugu dheeraa ee taariikhda adduunka Orodka ragga ee 10,000m.

Laakiin Guusha Cheptegei ayaa ka dhigeysa rikoorkiisii ​​afaraad ee adduunka muddo 10 bilood gudahood ah, isagoo jabiyay rikoorka 10km ee wadada bishii Diseembar iyo rikoorkii wadada ee 5km bishii Febraayo.

Tartankii Monaco Diamond League bishii Ogosto, wuxuu jabiyay mid kale oo ka mid ah rikooradii Bekele ee adduunka, isagoo markaasi garaacay rikoorkiisa 16-sano jirka ah ee 5,000m oo uu ku garaacay keliya laba ilbiriqsi.

Tartankan Maalinta Diiwaanka Adduunka, oo ay labada orordyahan Cheptegei iyo Gidey ku dhigeen taariikhda, ayaa ka dhacday garoonka Valencia ee Turia oo ay ku sugnaayeen 400 oo qof.

BY C/XAFIID ZACIIMKA

This image has an empty alt attribute; its file name is ethiopia.jpg

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button