Breaking NewsGeneral DaauudHORSEEDWARARKA MAANTA

KOOXDA HORSEED OO JARATAY TIKIDHKEEDA NUS-DHAMAADKA KOOBKA JENERAAL DAA’UUD 2020

Kooxaha kubadda cagta Hoseed iyo Jeenyo ayaa galabta ciyaaray kulankii koobaad ee wareega Bux Baxda koobka xiisaha badan ee jeneraal Daa”uud 2020 kaasi oo lagu ciyaaray garoonka Eng-Yariisoow degmada C/Casiis.

Kulanka labada kooxood ayaa ahaa mid aad u xiiso badnaa,maaadama ay labada kooox midina difaacaneeyso koobkan halka Jeenyo taariikh ahaan ugu hanasho badan tahay Jeneraal daa’uud, waxaana ay labada dhinac sameeyeen fursado dhowr ah, iyadoo qeybtaasi koobaad karaka digniinta la kala siiyey Faarax Cimar oo lambarka 16-aad u qaata kooxda Jeenyo iyo lambarka 2-aad Horseed Mahad Nuur oo daqiiqadii 40-aad ku qaatay jaalaha markii uu garsoorka la murmay.

Qeybtaasi koobaad oo lagu nastay gool la’aan 0-0 ayaa waxaa kooxda Horseed ay heshay ilaaa 10- Gees kalaad, halka Jeenyo ay heshay ilaa 4-gees kalaad,mana jirn wax ciyaaryahan ah oo dhaawacmay ama la bedel qeybtaasi hore.

Markii dib loo soo laaabtay Horseed waxaa ay garoonka Keeneen Ciyaartoyda Cabdalla Cali Bile, Xasaasi iyo Mahad, waxaaana baxay farxaan Duqoor Joshuu Abdul iyo Ibraahib, waxaana kooxda Horseed u suurta gashay iney helaan gool daqiiqadii 63-aad markaasoo uu u saxiixay ciyaaaryahankooda lambarka 22-aad Joshuu Abdul waxaana sidoo kale ay baadi goob u galen labada dhinac iney goolal helaan laakiin kulanku wuxuu kusoo dhamaaday 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Horseed oo usoo gudubtay Nus dhamaadka (Semi-Finalka) koobka Jeneraal daa’uud, beri waxaa ballansan kooxaha Gaadiidka iyo Elman Fc.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button