Breaking NewsDAKADDAGeneral DaauudWARARKA MAANTA

KULANKII DEKEDAHA IYO RAADSAN EE SIDDEED- DHAMAADKA JENERAAL DAA’UUD CUP 2020

Kooxaha kubadda Cagta ee Dekedaha iyo Raadsan ayaa ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow kulan kutirsan wareega Sideed dhamaadka ee Bug Baxda koobka xiisaha badan ee jeneraal daa’uud, kulankooda oo ahaa mid aad u culus oo lagu soo bandhigey ciyaar farsamo ku dheehneeyd.

Wallow qeybtaasi koobaad labada dhinac ay ciyaarayeen kubad ku dhisan xisaabtan oo weerar degan ay sameeynayeen ayaa hadana waxaa labada tababare ay ku adkeesteen ineysan sameeynin wax bedel ah, kama jirin ciyaaryahano dhaawac halis ah uu gaaray, hase yeeshee garsooraha ayaa bixiyey 2 kaarka digniinta oo mid la siiyey daqiiqadii 22-aad Maalik Akuah oo lambarka 8-aad u qaata kooxda Dekedaha, sidoo kale kabtanka kooxda Raadsan  Cabaas Aadan oo lambarka 17-aad xirta ayaa la siiyey karaka Digniinta daqiiqadii 43-aad, waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay 0-0.

Markii dib loo soo laabtay ayey dhinacyadu isku qaadeen weeraro gaar ahaan kooxda Dekedaha oo dooneysay iney hogaanka qabato, laakiin daafacyada iyo khadka dhexe ee Wiilasha tababare Gadaamoow ayaa diiday, waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday waqtigii loogu talo galay gool la’aan ,iyadoo wixii xiligaa ka danbeeyay loo dhigey gool-kulaadyo si loo kala saaro taaso kooxda DEKEDAHA ay kusoo baxday 4-2 sidaana ku gaartay Nus-dhamaadka Koobka jeneraal Daa’uud.

Hadda waxaa Semi Finalka taagan saddexda kooxood ee kala ah HORSEED, ELMAN IYO DEKEDAHA, Waxaana la sugayaa middood MCC iyo MIDNIMO oo berito Balansan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button