General DaauudWARARKA MAANTA

SAWIRRO: kooxda Minimo FC oo koobka Janaral daa’uud ka reebtay kooxda MCC.

Kooxda muqdisho city ayaa isaga hartay tartanka koobka gneral daa”uud kadib markii ay gool kulaadyo ay kaga adkaatay kooxda midnimo oo u gudubtay wareega afar dhamaadka koobka general daa’’uud kulankan oo ahaa mid aad u adeg ayaa kooxda muqdisho waxa ay heleen fursado ay ku dhalin kareen goolal laakiin daafacyada kooxda midnimo ayaa taas ka diiday iyagoo sameeyen qaab ciyaareed ku dhisan daafac labadda qeyb ee ciyaarta.

Garsoore maxamed soomaali ayaa calaamadda digniinta siiyay labo ciiyaartoy oo ka tirsan kooxda midnimo qeybtii hore ee ciyaarta calamaddii ugu horeesay kulanka waxaa lasiiyay lamabarka 10-aad abuukar cabdulaahi daqiiqadii 30-aad sidoo kale waxaa isna qaatay lambarka 6-aad saadaq nuur daqiiqadii 46-aad qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0, marka dib liskugu soo laabtay qeybtii 2-aad naadiga midnimo  ayaa heshay goolkii 1-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas dhaliyay lambarka 5-aad maxamed maxamuud daqiiqddii 52-aad kulanka taaso keentay in kooxda muqdisho ay sameyso badal illa seddax ciyaartoy waxaa badal kusoo galay Grah alex oo lagu baday qeys, kone moye oo lagu badalay qaliif halka jeena lagu badalay cabdala ismaaciil dadaal iyo weerar xoogan waxaa ay heleen kooxda muqdisho goolka bar baraha waxana dhaliyay xidiga badalka kusoo galay kulnka Grax alex daqiiqaddii 65-aad ee kulanka.

Garsoore maxamed soomaali ayaa calaamadda casaanka siiyay dhaliyaha goolkii bar baraha kooxda muqdisho Grah alex daqiiqadii 86-aad ee kulanka ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-1 gool kulaadyo 4-2 waxaa ku adkaatay kooxda midnimo oo u gudubtay wareega afar dhamaadka tartanka koobka general daa’’uud, waxaana xusid mudan in afarta kooxdoo ee tartanka isugu soo haray  marka laga reebo kooxda horseed ay kuso baxeen gool kulaadyo kooxaha ayaana isugu beegmay kooxda horseed vs elman halka midnimo ay la ciyaari doonto kooxda dekaddaha”

Kulamadda afar dhamaadka tartanka ayaa la ciyaari doono maalinta arbacadda iyo Qamiista”

Kooxaha,waxa ay iskugu aadeen sidan.

Elman FC Vs Horseed.

Dekeddaha Vs Midnimo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button