Breaking NewsGeneral Daauud

SAWIRRO: Dekedaha FC oo u soo baxday Finalka koobka kubbdda cagta Janaral Daa’uud 2020.

Kooxda Dekeddaha ayaa muddo ka dib u soo baxday finalka koobka kubbdda cagta Janaral Daa’uud ,ka dib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Midnimo FC.

Kualankaa oo ahaa mid aad u adag  labada kooxood,waxa ay soo bandhigeen ciyaar ad u qurux badan oo iskugu jirtay weerar iyo weerar celis.

Qaybtii hore ee ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay barbarhac 0-0 ah oo ay labada kooxood isla dhaafi waayeen,waxa ay sameeyeen dhowr iskuday.

Qaybtii labaad ee ciyaarta,waxa ay labada kooxood halkoodii ka sii wadeen ciyaartii qurxooneed oo ay soo bandhigeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaarta oo dhamaad ku dhow daqiiqadii 87-aad kooxda Dekeddaha ,waxa ay heshay goolka guusha waxaa goolkaa madax ugu dhaliyay laacibka lagu magacaabo khaddar yuusuf.

Dekeddaha,waxaa dhaawac garoonka looga saaray dhaliyaha goolka Khadar Yuusuf.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay kooxda Dekeddaha,waxa ay sidaas ku timid finalka koobka kubbdda cagta Janaral Daa’uud 200.

Kulanka finalka,wuxuu dhexmari doonaa kooxaha kala ah Horseed iyo Dekeddaha,wuxuu kulankaan ka dhici doonaa garoonka tuulada ciyaaraha ee Muqdisho..

Ciyaarta galabta waxey ka tirsan tahay koobka General daaud waxeqyna u dhaxeysaa kooxaha Dekadaha  iyo  midnkmo waana wareeega Afar dhamaadka tartanka koaoxdii laga badiyaa wa ay hari doonta waxey idinkaga imaaneysaa

Dekeddaha,waxaa kulankaan calaamadaha jaalaaha ka qaatay Catoosh,Midnimo FC,waxaa jaalo ka qaatay Abudllahi Gaaboow

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button