Breaking NewsGeneral Daauud

SAWIRRO: Horseed SC oo u soo baxday markii labaad oo xiriri ah Finalka koobka kubbdda cagta Janaral Daa’uud 2020.

Kooxda kubbdda cagta Horseed ayaa u soo baxday markii labaad oo xiriri ah finalka tartanka koobka Janaral Daa’uud 2020.

Horseed ayaa 1-0 kaga badisay kooxda sida wayn ay u xafiiltamaan ee Elman FC.

Wuxuu ku ahaa kulanka mid aad u adag labada kooxood,waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan.

Qaybtii hore ee ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay barbarhac 0-0 ah oo ay labada kooxood isla dhaafi waayeen,waxa ay sameeyeen dhowr iskuday.

Qaybtii labaad ee ciyaarta,waxa ay labada kooxood halkoodii ka sii wadeen ciyaartii qurxooneed oo ay soo bandhigeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaarta oo dhamaad ku dhow daqiiqadii 85-aad kooxda Horseed,waxa ay heshay goolka guusha waxaa goolkaa madax ugu dhaliyay laacibka lagu magacaabo farxaan Maxamed Duqow.

Daqiiqadii 89-aad waxaa Horseed roose ka qaatay laaciibka No23-aad Cusmaan Salaad.

Ugu dambeentii ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Horseed,waxa ay taasi ka dhigantahay in ay markii labaad oo xiriir ah ay soo gaaraan finalka koobkaan.

Galabta,waxaa wada ciyaaraayo kooxaha kala ah Midnimo iyo Dekeddaha.

Horseed waxa caalamadda jaalaha ka qaatay Cali Cadde No:4 iyo Cabdullahi Cali No:17 Cumar Shariif No:13.

Elman FC,waxaa jaalo ka qaatay Abdikadir siidow No:6, Avemah shafiq No:32.

Kulanka waxa uu ka dhacay garoonka wayn ee Garoonka Eng Yariisow

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button