Breaking NewsGeneral DaauudHORSEEDWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Horseed oo sanadkii labaad xiriir ah ku Guuleysatay Koobka Jen-Daa’uud 2020

Naadiga kubadda cagta ee Horseed ayaa ku guuleeysatay koobka koobaabka dalka
ee Jeneraal daa’uud 2020 kaasi oo si xiiso badan uga socday garoomada kubadda
cagta ee dalka gaar ahaan Stadium Muqdisho, Eng Yariisoow iyo jaamacadaha,
iyadoo tartanka ay ka qeybgaleen ilaa 16 kooxood oo heerarka kala duwan.

Kulanka labada kooxood ee Horseed iyo Dekedaha oo kasoo kala adkaaday
kooxaha MCC iyo Elman FC ayaa ahaa mid aad u adag oo si weyn ugu soo diyaar
garoobeen labada dhinac waxaana ay soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqay oo
weerar iyo weerar celis ku dheehneyd, waxaana qeybtii koobaad kooxda Horseed u
suurtagashay iney hogaanka nu qabtaan daqiiqadii 18-aad markasoo gool qurux
badan uu u saxiixay weeraryahankooda Lambarka 10-aad Farxaan Xidig.

Qeybtii koobaad ee kulanka waxaa uu kusoo dhamaaday 1-0 oo ay hogaanka ku
hayeen kooxda Horseed, markii qeybta labaad lasoo laabtay ayey halkii kasii
wadeen dhinacyadu weeraradii ay isku qaadayeen,waxaana mar kale kooxda Horseed
heshay gool labaad oo ahaa Laad xor ah (Free Kick) waxaana daqiiqadii 53-aad
shavaqa cusjiyey laacibka lambarka 6-aad Xasan Cabdinuur Xasaasi, garsooraha
kulanka waxaa uu karaka digniinta u taagay Farxaan xidig, cabaas Amiin oo
labada dhinac ka tirsanaa.sidoo kale Sayid Cali Baana ayaa la siiyey jaale kaa
oo u dheela Dekedaha,

Labada dhinac waxaa ay sameeyeen bedelo iyagoo ku doonayey iney goolal ku
helaan, laakiin daqiiqadii dhamaadka  waqtigii dheeriga ayuu markale shabaqa tegey
laacibka Horseed Xassaasi markaasoo si rasmi ah u quusiyey kooxda Dekedaha 3-0
ayuuna kulanku kusoo dhamaaday oo ay guusha ku raacday kooxda Horseed oo
markale difaacatay koobka jeneraal-daa’uud oo sidaan oo kal sanadkii hore
qaaday, waxaana xusid mudan in sadexdii sano ugu danbeeysay ay timid kama
danbeeysay 1 jeer laga qaaday 2 na ku guuleeysteen.

Daawashada kulankan waxaa goob jog u ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, taliyaasha
ciidamada masuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir masuuliyiinta Xiriirka Kubadda
cagta iyo marti sharaf kale waxaana koobka quruxda badan ee Jeneraal Daa’uud
Gacanta ka saaray kabtanka kooxda Hosedd GXKC C/qani siciid Carab.

Laacibkii ugu wanaagsanaa kulanka Finalka waxaa qaatay laacib Xassan Cabdi
Nuur Xassaasi, halka Gool dhalinta tartankan waxaa ku guuleeystay ciyaaryahanka
weerarka koxdas Gaadiidka Ategeka Stephen kaasi oo dhaliyey 5 gool intii uu
tartanku socday.

May be an image of 6 people, people playing football, people standing, people playing soccer and grass
May be an image of 9 people, people playing soccer and people standing

May be an image of 11 people, people standing, people playing soccer and grass

May be an image of 1 person, standing and playing soccer
May be an image of 1 person and standingMay be an image of one or more people, people playing football, people playing soccer and people standingMay be an image of one or more people, people playing football, people playing soccer and grassMay be an image of 1 person, playing football, playing soccer, standing and grassMay be an image of one or more people and people playing sportsMay be an image of 1 person and playing a sportMay be an image of one or more people, people playing football, people playing soccer and grassMay be an image of 1 person, playing soccer and grassMay be an image of 2 people and people playing footballMay be an image of 1 person, playing football, playing soccer and grassMay be an image of 31 peopleMay be an image of 4 people, people playing football, people playing soccer, people standing and grassMay be an image of 3 people, people playing soccer and people playing footballMay be an image of one or more people, people playing football and people standingMay be an image of 1 person, playing soccer and playing footballMay be an image of 1 person, playing football and playing soccer

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button