SAWIRRO: Shirkadda A2Z oo Soo Bandhigtey Funaanadaha ama Qalabka ay ku Ciyaari doonaan Kooxaha Kubbdda cagta ee Dalka.
Shirkadda A2Z oo Soo Bandhigtey Funaanadaha ama Qalabka ay ku Ciyaari doonaan Kooxaha Kubbdda cagta ee Dalka ee u diiwaanasgahan xiririka Soomaaliyeed kubbdda cagta.
Munaasabada waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ka tirsan xiirrika Soomaaliyeed ee kubbdda cagta iyo dhamaan gudoomiyaasha kooxaha kubbdda cagta ee dalka ka jira.
Hishiiska ayaa si rasmi ah u dhaqangalay ,waxa ay dhammaan kooxaha kubbbdda cagta dalka jira ay isticmaali doonaa qalbka Sports ee soo saarto A2z.
Gudoomiyaha shirkadda qalbka Sports A2z Ciise Ibraahim ayaa ku tilmaamay hishisikaan mid kor u qaadaayo homarinta kubbdda cagta Soomaaliya,wuxuu u mahadceliyay dhammaan gudoomiyaasha kooxaha kubbdda cagta ee dalka jira.
Ugu dambeentii goobta waxaa hadal kooban ka jeediyay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbdda cagta Cabdiqani Siciid Carab,waxa uu sheegay in ay A2z Sports ku wareejiyeen in ay soo saaraan qalabka Sports uu ku ciyaaraayo xulka qaranka Soomaaliya,asiga oo sheegay in markii hore qalabkaan ka soo iibsanjireen shirkado dibadda.
A2z Sports waxa ay Soomaali ka hirgashay 2013,waxa ay xarumo badan ka leedahay meelo badan oo ka mid ah Muqdisho iyo Gobolada dalka .