SAWIRRO:Degmooyinka Boondheere iyo Balcad oo soo bandhigey ciyaartii ugu adkeyd Tartanka K Cagta Degmooyinka G/Banaadir 2020
Tartanka Kuabadda Cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Balcad ayaa weli si xiiso badan uga socda garomada Eng Yariisoow iyo Jaamacadaha kaasi oo shalay uu si rasmi ah u furan wasiirka Magacaaban ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DFS Xamze Saciid Xamza, waxaana kulankii galabta uu u dhexeeyey kooxaha degmooyinka Boondheere iyo Balcad oo kujira Group B.
Bilowgii Ciyaarta intii aysan gaarin daqiiqad ayey kooxda Degmada Balcad waxaa ay sameeyeen fursad loo filan karay gool-kulaad ama penalty laakiin garsooraha kulanka ayaan waxba kasoo qaadin, sidoo kale, daqiiqadii 12-aad waxaa karka Digniinta ah loo taagay Lambarka 12-aad ee kooxda Balcad Muudey Daahir daqiiqadiim, sidoo kale kooxda Boondheere ayaa fursad heshay daqiiadihii 9-aad 10-aad iyo 15aad , waxaana kooxda Boondheere u suurtagashay daqiiqadii 37-aad iney dhliyaan goolkii koobaad ee kulanka hogaankana u dhiibay waxaa u saxiixay Laacibkooda C/weli Maxamed Colaad, waxaana qeybta koobaad lagu kala nastay 1-0 oo hogaanka ku hayaan Boondheere.
Qeybta labaad markii lasoo laabtay ayey labada dhinac sameeyeen kubad aad u fiican oo fursado ah, inkastoo kooxda Degmada Balcad ay u muuqatay mid fursado badneyd oo baadi goob ugu jirtey deeynta lagu leeyahay iney sso celiso, waxaana ciyaarta bedel lagu keenay Zakariye Cabdullaahi , Cali Gaabane iyo Nuur Xasan Mocoow, iyadoo dhinaca Boondheere uu soo galay Mahad C/raxmaan, ciise Cabdulle, waxaana halkaa labada dhinac ay ku qateen ilaa 3 kaar digniin ah.
Weeraryahanaka Lambarka 11-aad Nuur Xasab Mocoow oo bedel lagu keenay ayaa Kooxda Degmada Boondheere u dhaliyey goolka bar bar dhaca daqiiqadii 82-aad kadib kubad gees kalaad ku timid oo uu dhabal ku dhaliyey isagoo sii jeeda goolkaa oo lkagu tilmaamay ilaa iminka midka ugu quruxda badan ee ka dhasha koobkan oo labo kulan iminka laga dheelay gaar agaan kulamada Grroup B.
Hadda waxaa Groupkan hogaamineysa degmada C/Casiis oo guul ka qaaday degmada Dharkaynleey, waxaana ku xiga kooxaha Balcad iyo Boondheere oo mjin dhibic leh.