Breaking NewsLATIN AMERICAMA OGTAHAYSportsWararkaWARARKA MAANTA

DAAWO: Feeryahanka Muslimka ah ee Khabib oo Guul taariikhi ah kusoo xiray guud ahaan Ciyaaraha

Waxaa uu ahaa bandhig La isu-Bowdo Qaawiyey iyo Dagaal Gacmaha iyo Lugahaba la isu adeegsanayey taasoo aysan ka marneyn Xeelad Qoor qabasho iyo gooysmo, laakiin guushii uu Khabib Nurmagomedov ka gaaray Justin Gaethje dagaalkii masraxa Dubai waxaa uu xambaarsanaa Farxad iyo Caloolyow xusuus uu la ilmeeyay khabiib ilaa uu gacanta qabto oo uu sabarsiiyo Midkii uu ka Guuleystay ee Mareykanka u dhashey.

Khabib oo ah Feeryahankii ugu horeeyey ee Muslim ah ee ku guuleysta UFC,Waxaa uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaarta Feerka kadib markii uu Difaacday Suunkiisa Horyaalnimada UFC oo uu meel saaray dagaalyahanla Justin Gaethje dagaalkii xaley ka dhacay Abu Dhabi.

Ninka reer Russia Nurmagomedov  oo 32-sano Jir ah ayaana kordhiyey  rikoorkiisa professional ee UFC 254.kadib markii wareega labaad  dagaalkii Abu dubai ka guuleystay 31-sano jirka Justin Gaethje Feerkaa oo ay dunida ka daawanayeen in ka badan 2.3 bilyan oo ruux.

Ugu yaraan daqiiqad ayey labada Nin is gaad gaadayeen biloowgii, waxaana Justin Gaethje wareegii koobaad u muuqday mid hab difaaceed ciyaaraya, waxaana xusid mudan in Dhowr feer lala helay kahor inta uusan Khabib u dhexda ku dhegin oo dhulka ka hoos marinin, wareeggii 2-aad laakiin Dagaaalyahanka reer Russia ayaa farsamo adeegsadey oo Labada lugood Qoorta uga duubay halkaasoo ugu danbeystii garsooruhu ku dhawaaqay in dagaalka uu  dhamaaday oo Khabib guushu raacday,

Khabib oo sidaa ku kordhiyey rikoorkiisa guul daro la’aanta 29 guul xaqiijiyey ayaa kadib bartamaha garoonka Wejiga dhulka ku qabtay oo uu Ilmeeyey kadib xusuustii ninkii heerkan gaarsiiyey oo ahaa Aabihiis Abdulmanap kaasi oo xanuunka Corona iyo xanuuno kale u geeriyoodey bishii July, waxaase xusid mudan in markii danbe Justin Gaethje uu u tegey oo uu sabarsiiyey.

Taageerayaal badan iyo falanqeeyayasha Feerka ayaa filayey in khabib Loolan adag kala kulmi doono,Gaethje maadaama ninkaasi uu Mowjado kacsan uu ku socday kadib markii uu kasoo badiyey Tony Ferguson UFC 249 bishii May ee sanadkaan hase yeeshee ninka reer Digestani ayaa wareega labaadba quusiyey.

Khabib Nurmagomedov ayaa sheegay in guushaan ay ahayd Riyadii Aabihii, isagoo u hibeeyey Macalinkiisa, aabihiisa iyo la taliyihiisa  Abdulmanap, oo bishii July  dunida uga tagay Covid-19.

‘Waad ku mahadsan tihiin dhamaan Ragga ila socda, waxay aabbahay la joogeen in ka badan 10 sano.sidoo kale Dhamaan kooxdeyda, oo uu ugu horeeyo tababare Javier, aad ayaan u jeclahay isaga, dhamaan kooxdeyda idinma iloobi doono”.

‘Maanta, waxaan rabaa inaan iraahdo, kani wuxuu ahaa dagaalkeygii iigu dambeeyay. dib uma imaanayo halkaan aabbahay la’aantiis. Waxay ahayd markii ugu horreysay, kadib geeridii aabbahay, markii UFC ay iigu yeertay Justin, haa waan la socdaa Dustin iyo Conor waxay wada dagaallami doonaan bisha Jannaayo, anigu waan ceejiyey, labadoodaba. Ma xiiseynayo markale” ayuu raaciyey.

‘Waxaan la hadlayey hooyaday seddex maalmood, iyadu ma rabto in aan dagaallamo aabbe la’aan. Waan u ballanqaaday,middaas wuxuu noqon doonaa dagaalkayga ugu dambeeya, haddii aan markale ku celiyo, waan raacay talada hooyo Kani. Wuxuu ahaa dagaalkaygii ugu dambeeyay” ayuu raaciyey.

‘Waan ogahay kaliya hal shay oo aan ka doonayo UFC, waa inaad idinku noqotaan sideyda oo kale, aniga ayaa ah lambarka koobaad ee adduunka, maxaa yeelay waan uqalmaa tan, UFC muran la’aan, horyaal miisaanka fudud, guul daro la;aan 13-0, 13 UFC, 29 jeer dhammaan xirfadaha MMA. Waxan aaminsanahay inaan uqalmo.” Ayuu  raaciyey isagoo sidoo kale Luqadda dalkiisa Ruushka ku hadlay ugu danbeeynti isagoo u mahadceliyey dhamaan taageerayaasha dalkiisa ku sugan.

” Waan u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda ku hadla afka Ruushka. Waxaan ahay nin fudud oo ka yimid magaalo yar oo ku taal Dagestan. Waxaan xasuustaa 2008 markii aan bilaabay iyo 2012 markii aan la saxeexday UFC dad badan ma rumaysnayn inaan aniga Sameyn karo sidaan”.

Laakiin go’aankan ka fariisashada ee khabib oo lama filaan ku noqotay dad badan ayaa la aaminsan yahay in 32-sano jirkan heeysta diinta Islaam uu sii qorsheeystay,maadaama ay weli maskaxdiisa ka guuxeyso geeridii aabihiis Abdulmanap iyo saameyntii uu ku reebay.

W/Q: C/Xafiid C/samad Zaciimka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button