‘’Kulamo ka tirsan hooryaalka heerka 3-aad oo galabta la ciyaaray’’
Kulamadan oo ka tirsana horyaalka heerka 3-aad ee dalkeena somaaliya ayaa galabta lagu kala ciyaaray garoomada Eng Yariisow, Jaamacadaha iyo Muqdisho Haddii an ku hormarno kulankii galabta lagu ciyaaray garoonka Eng Yariisow waxuu u Dhaxeeyay kooxaha Madbacda iyo Bariga dhaxe.
Kooxda Madbacada oo illaa iyo hadda aan laga adkaan ayaa gaartay guusheedii afaraad tan iyo billowgii horyaalka heerka 3-aad daqiiqadii 2-aad ee kulanka ayey heshay goolkii 1-aad ee kulanka waxaana u dhaliyay weeraryahankooda lambarka 12-aad Maxamed Cabdule Abgaalow Qeybtii 1-aad ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay ku hoggaamineysay Naadiga Madbacada.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii 2-aad ee ciyaarta kooxda Bariga Dhaxe ayaa sameysay labo beddal waxaa ciyaarta soo galay lambarka 8-aad Yuusuf Cali iyo xidigga lagu magacaabo Maxamuud Aadan oo xirta lambarka 14-aad waxaana ciyaartoyda kooxda Bariga Dhaxe ay heleen fursado badan laakiin kama aysan faa’iideysan.
Dhanka kale kooxda Madbacada ayaa heshay goolkii 2-aad kulanka waxaana u dhaliyay Ciyaaryahanka lambarka 10-aad Cali daqiiqadii 52-aad ee kulanka, Weeraro iyo dadaalo ay sameeyen ciyaartoyda kooxda Bariga dhexe waxaa ay heleen gool waxaana u dhaliyay lambarka 25-aad Cali Cabdullaahi daqiiqadii 61-aad, wixii intaa ka dambeeyay cayaartu waxay yeelatay waji kale oo Kooxda Bariga Dhexe waxay weeraro is daba joog ah ku qaadeen goolka Madbacadda, balse Daafacyada Madbacadda ayaa u diiday inay helaan fursad kale.
Naadiga Madbacadda ayaa daqiiqadii 92-aad quusiyay kooxdii Bariga Dhexe, ka dib markii Ciyaaryahanka lambarka 13-aad u xirta Salmaan uu ciyaarta ka dhigay 3-1 sidaas ayeyna ku soo dhamaatay ciyaartii Madbacadda iyo Bariga Dhexe.
Garsoore Aabuukar Cabdi ayaa bixiyay qeybtii 2-ad labo kaar oo digniin ah waxaana la kala siiyay ciyaartoyda kooxda madbacada xiddigaha lagu kala magacaabo Maxamed Muxudiin iyo Aad Maxamed oo ka tirsan kooxda Madbacada.
Kooxda Madbacada 5-tii kulan ee ciyaartay 4 kamid ah wey badisay halka hal kulan ay gashay bar baro marna lagama adkaan.
Naadiga Bariga Dhexe 5-tii kulan ay ciyaarta horyaalka heerka 3-aad labo kamid ah wey badisay halka saddexda kale laga adkaaday.
Dhanka kale kooxda Albadar ayaa gaartay guusheedii ugu horeesay waxaana ay 2-0 ay kaga adkaaden Kooxda Gasco ciyaar ka dhacday Garoonka Jaamacadaha halka Kooxaha Somaali fruit iyo Hilaac ay ku kala baxeyn 0-0 ciyaar ka dhacday Garoonka Stadium Muqdisho.
Horyaalka heerka 3-aad ayaa wareegiisa 1-aad la soo gabagabeen doona Maalinimada Arbacad oo taariikhdu ku beegan tahay 28 october 2020’’