Breaking NewsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: X/JAJAB & KAXDA OO GUUL KU FURTAY KOOBKA DEGMOOYINKA G/BANAADIR 2020

Tartanka Kubbadda Cagta degmooyinka ayaa weli si xiiso leh uga socda garoomada Eng-yariisoow iyo Jaamacadaha oo ku kala yaala degmooyinka C/Casiis iyo Hodan,waxaana galabka Eng-yariisoow  kulan xiiso badan ku yeeshay Degmooyinka X/jajab iyo Kaaraan.

Kulanka labada kooxood ayaa mid aad u adag oo ay ka muuqatay diyaar garoow waxaana qeybta hore labada dhinac heleen fursado aysan ka faaideysan, waxaana tababaraha degmada X/jajab uu sameeyey bedel. Markii uu garoonka ka saaray ciyaaryahankiisa C/najiib C/raxmaan, isagoo keenay C/laahi Maxamed oo lambarka 14-aad u qaata, laakiin qeybtaasi waxaa lagu kala nastay gool la’aan 0-0.

Markii dib loo soo laabtay qeybta Labaad Ciyaartoyda kooxda Xamar Jajab ayaa dar dar lasoo shirtegey, waxaana ay qaadeen weeraro culus taasi oo u sahashay ine helaan Laad Toos ah (Free-Kick) meel 25 mitir ugu yaraan u jirta goosha, waxaase Shabaqa Cusjiyey laacibka Lambarka 10-aad u sita C/naasir maxamuud daqiiqadii 51-aad goolkaa oo kiciyey jamaahiirta X/jajab ee garoonka joogtay kuwaa oo Durban iyo sacab iskula jaan qaaday.

Goolkaasi waxaa uu sababay in Tababaraha Kaaraan uu sameeyo Labo bedel, wuxuuna keena ciyaaryahanada C/raxmaan Maxamuud oo Lambarka 17-aad xiran iyo  Nuuradiin Xuseen oo lambarka 20-aad qaata, waxaana xusid mudan in daqiiqadii 69-aad Kaaraan ay iska qasaariyeen fursad gool loo filan karay , sidoo kale waxaa ay sameeyeen fursado kale laakiin uma suurtogelin.

Daafaca kooxda Kaaraan ee lambarka 4-aad qaata C/fataax Cabdullaahi ayaa daqiiqadii 78-aad calaamadda Guduudka kulanka looga saaray kadib markii uu qalad ku sameeyey ciyaaryahan kasoo horjeeday, waxaana dhanka X/jajar kaarka digniinta ee Hurdiga la siiyey dhamaadkii kulanka lambarka 7-aad Hanad Cabdi, laakiin kulanka guud ahaan waxaa uu kusoo dhamaaday 1-0 oo ay guushu ku raacday degmada X/jajab oo Group A, kujirta.

Dhinaca kale garoonka Jaamacadaha ee degmada hodan waxaa ka dhacday Ciyaar kale oo ku tirsaneyd isla Group A, waxaana ay u dhexeeysay Degmooyinka Kaxda iyo Heliwaa, kulankaa oo aad u xiiso badnaa,kooxda Degmada Heliwaa ayaana daqiiqadihii 10-aad iyo 14-aad abuurtey fursado gool lagu dhalin karay hase yeeshee weerarka ay ku qaadayeen goosha Kaxda waxaa ugu suurtagashay in Heliwaa xidig garabka ugu ciyaaara daqiiqadii 31-aad kubad qaadis ah oo meel aad uga Fog goolka kasoo qaaday ayuu awoodi waayey goolhayaha kaxda inuu celiyo shabaqa ayaana si qurux badan ay u gashay halkaasoo hogaaanka qeybtii koobaad ku heeysay kooxda Heliwaa.

Laakiin qeybtii labaad ayey Kaxda la yimaadeen is bedelo iyo hab ciyaaareed waloow kooxda Heliwaa ay iska qasaariyeen fursado labo gool kale ku dhalin kareen intii uusan kulanku gaarin daqiiqadii 60-aad, Kaxda ayaana heshay daqiiqadii 63-aad goolka bar bar dhaca markii goolhayaha heliwaa si qaldan kubadda u aaday hase yeeshee ay ka baxsatay kubad mashquul ahayd oo uu soo qaaday Maxamed Abiikar Cali, markale Weeraryahan Muxudiin shariif oo baas fiican loo dhigey afka xerada ganaaxa ayaa shabaqa dhex dhigey gool qurux badan daqiiqadii 80-aad halkaasoo 2-1 hogaanka kooxda degmada Kaxda ku qabatay sidaana ciyaartu kusoo dhamaatay Kaxda iyo X/jajab ayaana min Saddex dhibic ku hogaaminaya Groupka A halka Heliwaa iyo Kaaraan qeybta ugu hooseysa ay fariisteen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button