Breaking NewsSOOMAALIYA

Muxuu Ku Soo dhamaaday kulankii U Dhaxeeyay Degmooyinka Shibis Iyo X/weyne.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa ka tirsanayd guruubka C Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir  waxeyna  u Dhexeesay Degmooyinka X/weyne iyo Shibis labada degmo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan Qaybtii hore ee Ciyaarta Degmada X/weyne ayaa Samaysay Fursado ay Goolal ku dhalin kareen balse Daafacyada Degmada Shibis ayaa ka diiday iney Fursadahaas gool u beddalaan Ciyaartoyda Degmada X/weyne, ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay bar baro goolal la ‘aan ah 90-ka daqiiqo.

Garsoore Cabdifitaax Mire ayaa bixiyay Qaybtii hore labo kaar oo ah kaarka digniinta Waxaana la kala siiyay labada dhinac, calaamaddii ugu horreesay kulanka waxaa qaatay ciyaaryahanka Degmada Shibis lambarka 5-aad u xirta maxamed mukhtaar Dhanka Degmada X/weyne waxaa kaarka hurdiga loo taagay lambarka 2-aad Maxamed Cabduqaadir  Daqiiqadii 37-aad Qaybtii hore ee ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay Qaybtii 2-aad ee ciyaarta labada degmo waxay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis  inkastoo ay jireen fursado goolal loo filan karay labada degmo ay iska qasaariyeen.

Degmada X/weyne ayaa samesay labo beddal Qaybtii labaad ee ciyaarta waxaana beddal ku soo galay Ciyaarta lambarka 11-aad Xuseen Maxamed oo lagu beddalay lambarka 6-aad Amiin Maxamed Sidoo kale waxaa beddal ku soo galay  lambarka 10-aad Cabdirashiid Xasan oo lagu beddalay Ciyaaryahanka lagu Magacaabo Sardhaaye Liiban Degmada X/weyne ayaa cadaadis xoogan saartay Degmada Shibis Waloow Daafacyada Shibis ay Sameeyen iska Caabin.

Dhanka Degamada Shibis waxaa ciyaarta beddal ku soo galay xiddigaha kala ah Sakariye Axmed oo lagu beddalay Ilyaas Maxamed iyo Mowliid Cabduqaadir oo lagu beddalay Cabdi Qani Axmed 59 daqiiqo.

Ugu dambeyntii labadan Degmo X/weyne Iyo Shibis ayaa ku hishiiyay barbaro goolal la’aan ah guruubkaan C waxaa ku wehliyo Degmooyinkaan Shangaani Wartanabada Iyo Howlwadaag waxaana guruubkaan Hoggaanka u haysa Degmada Howlwadaag oo Galabta guul ka gaartay Degmada Wartanabad’’

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button