Breaking NewsSOOMAALIYA

Warbixin:Goolhayihii ugu horeeyay oo Carab ah oo ku biiray kooxda Muqdisho City.

Kooxda kubadda cagta Muqdisho City Clup ayaa hishiis la gaartay Goolhaye u Dhashay Wadanka Liibiya oo Lagu Magacaabo Hussein Bouchartila, Goolhayahan u Dhashay Dalka Liibiya ayaa kulankiisa ugu horeeyo ka soo muuqan doono Tartanka Kooxaha horyaalada Africa ee CAF Champions league oo furmi doono bartamaha bisha November.

Kooxda Muqdisho City Clup oo ku guuleesatay horyaalka heerka 1-aad ee dalkeena somaali Premier League Xili Ciyaareedkii Dhamaaday 2019/2020 ayaa kooxaha Dalkeena ku Matali Doonto Tartanka CAF Champions league.

Goolhayahan u Dhashay Dalka Liibaya ayaa noqon doono Goolhayihii ugu horeeyay ee u Dhashay Liibiya ee u ciyaaro koox ka Dhisan Dalkeena Somaaliya.

Dhanka kale Kooxda Muqdisho City Clup ayaana fursad u heli doonin in Saxiixooda cusub uu u ciyaaro dhamaan Tartamada hoos yimaado Xiriirka Somaaliyeed ee kubadda cagta Maadaama hore loo diiday in Goolhaye Ajnabi ah uu ka ciyaaro Tartamada lagu qabto gudaha Dalkeena Somaaliya.

Ugu Dambeentii Maamulka kooxda Muqdisho City ayaa sheegeen in ay ku dhawaaqi doonaan Saxiixyo kale oo kooxda ku soo biiri doono kadib ku dhawaaqidii Goolhaye Hussein Bouchartila’’

W/Q: Shucayb Haamud Ibraahim   

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button