2022 FIFA World CupSOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WARARKA MAANTA

Bandhigii Goolasha Degmooyinka H/Wadaag & Warta Nabadda Tartanka G/banaadir & balcad 2020

Kooxaha Kubadda cagta ee degmooyinka Howl-Wadaag iyo Warta-nabadda oo ka tirsan Guruubka C, ayaa wada yeeshay kulankoodii koobaad ee dhanka guruurbyada koobka xiisaha badan ee  degmooyinka G/banaadir iyo Balcad, kaasi oo socda labo garoon oo ku yaala Muqdisho.

Kulanka Labada kooxood ayaa ahaa mid aad u adkaa oo labada dhinac ay muujiyeen sida ay ugu soo diyaar garoobeen tartanka, waxaana bilowgii daqiiqadii 12-aad kooxda Warta Nabadda ay heshay gool kulaad kadib markii daafaca Howl wadaag qalad ku sameeyay C/Shakuur oo No7 u qaata Warta waxaana Gool u bedelay Ciyaaryahan C/raxmaan oo No9 u qaata,

Sidoo kale kooxda degmada Warta nabadda ayaa markale daqiiqadii 30-aad Shabaqa tegey markii kubad si fiican looga soo shaqeeyay uu dhaliyaha goolkii koobaad C/raxmaan farta ka saaray xiddiga Lambarka 23-aad Maxamed Amiin kaasoo si qurux badan u daba mariyey ilaaliyihii Howl wadaag, waxaase xusid mudan in Lix daqiiqo kadib Howl wadaag heshay gool kulaad sababay in qeybta hore lagu kala nasto 2-1 oo Warta nabadda hogaanka ku heeyso waxaana gool kulaadka dhaliyey C/wahaab Superka.

Markii qeybta labaad lasoo laabtay ayey wax waliba is bedeleen waxaana daqiiqadii 63-aad sheekada ay noqotay garbo siman 2-2 xiligaasoo kubad meel aad uga fog goosha uu ka soo toogtay Ciyaaryahan MAAJID uu awoodi waayey inuu bad baadiyo Shabaq ilaaliyaha kooxda Warta,Shan daqiiqo kadib ayey Howl Wadaag hogaanka kulanka la wareegeen oo 3-2 ayey ka dhigeen taasi ka yaabisey taagerayaasha Warta Nabadda.

Laakiin Weeraryahan C/wahaab Superka ayaa daqiiqadii 84-aad gool u muuqdey mid quusiyey Kooxda Warta nabadda ka dhaliyey markii qalad uu sameeyey ciyaaryahan daafac u ah Warta oo kubadda laga soo dafay kadib isu dhiib taabasho ah, goysmo daafaca iyo Laad farsmo la jirto isugu raaciyey SUPERKA oo 4-2 ka dhigey waxaase dhamaadkii Warta Nabadda heleen gool sheekada kusoo Af xiray 4-3 oo Guusha ku qaaday H/wadaag oo sidaa Guruubka Hogaanka ugu qabatay maadama X/weyne iyo Shibis ku kala tageen bar baro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button