HORYAALADAOLYMPICSSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Horyaalkii 36aad ee Ciyaaraha Fudud oo Muqdisho si rasmi ah uga Furmay

Waxaa Magaaalada Muqdiso ka furmay horyaalkii 36-aad ee Xiriirka Ciyaaraha fudud kaasi oo kamid ah tartamada Sanadlaha ah ee uu qabto Xiriirka, waxaana Horyaalka kahor garoonka Ciyaaraha Eng-yariisoow lagu qabtay munaasabad Furitaan ah.

Munaasabbadda furitanka oo ay goob joog u ahaayeen masuuliyiinta sare ee XCFS, madaxda kooxaha garsoorayaasha iyo taageerayaasha kooxaha kala duwan ee ka qeybgalaya horyaalka, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin kasoo jeediyey Gudoomiye ku xigeenka XCFS Faarax Cali Macalin oo sheegay in sanadkan horyaalka uu dhacayo iyadoo sida la ogyahay tartamada caalamka qaarkood ay sameeyeen xanuunka COVID19.

“Horyaalka waxaa ka qeybgalaya ilaa 9 naadi oo xiriirka u diiwaan gashan, waxaana sanadkan uu kusoo aaday iyadoo ciyaartooy badan ay tababaro u jiraan dalka dibadiisa, sidaa oo ay tahay hadana waxaan rajeyneynaa iney sanadkan kooxaha tartamaya ay keeni doonaan dhibco wanaagsan iyo dadaal dheeri ah” ayuu yiri Gud Xigeenka.

Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Khadiijo Aadan Daahir oo iyadana halkaasi Hadal ka heedisey ayaa sheegtay iney ku faraxsan tahay in marxalad kasta oo lagu jiro in tartamada Xiriirka Ciyaaraha fudud uusan baaqanin, waxayna kooxaha ka qeybgalaya sanadkan horyaalka kula dar daaran tahay iney muujiyaan dadaal iyo asluub Xirirkuna uu qiimeyn ku sameeyn doono Ciyaartoyda,

Kadib waxaa halkaasi lagu Ordey Orodka 100M Wiilasha, 400 Mitir iyo 800 Mitir, waxaana halkaasi wacdaro ka sameeyay maalinkii koobaad Ciyaartoy u Ordeysay kooxaha Iimaan Hospital,Horseed,Barwaaqo iyo Heegan, iyadoo Horyaalku uu sii socon doona maalmaha soo socda waxaana la ordi doonaa qeybo badan oo orod ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button