Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRRO: Wasiirka Cusub ee Wasaardda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa Maanta xafiiska kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Cusub ee Wasaardda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa  Maanta xafiiska kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khaiijo Maxamed Diiriye.

Xafladan Xilwareejinta ahayd ayaa lagu qabtay Maanta Magaalada Muqdisho waxaana ka soo Qayb galay Madaxda Dowladda Federaalka uu hor kacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Xubno kale.

Wasiirka Cusub ee Wasaardda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa oo dhawaan Xafiiska loo magacaabay  ayaa Shaqadiisa ugu horreysay Wuxuu Ka qayb galay Furitaanka Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Furmay 23 /10/ 2020,

Sidoo kale Wasiir Xamsa Siciid ayaa kala qayb galay Degmada X/Weyne Kulan Casho oo lagu dhiirigalinayo Ciyaartoyda Degmada X/weyne ee ka qayb galayo Tartanka Kubadda cagta ee Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Ugu dambeyntii Wasiir Xamsa Siciid ayaa manta Si Rasmi ah Xafiiska  kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khaiijo Maxamed Diiriye.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button