Breaking NewsSOOMAALIYA

Wareega 1-aad Horyaalka heerka Sadexaad oo Soo Dhamaaday.

Waxaa Galabta Soo Dhamaaday Wareega 1-aad horyaalka heerka 3-aad ee Dalkeena Somaaliya waxaana galabta la ciyaaray illa iyo sadex kulan oo ka tirsan horyaalka heerka sadexaad , Garoomadda Muqdisho Jaamacadaha Iyo Eng-yariisow ayaa lagu kala ciyaaray kulamadan ka tirsanaa horyaalka heerka sadexaad.

Garoonka Eng –yariisow  Waxaa Kulan Xiiso leh ku ciyaaray Kooxaha Al Bader iyo Hilaac Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag waxaa labada dhinac ay soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed aad u wanaagsn Qaybtii hore ee Ciyaarta Kooxda Al Beder Ayaa iska lumisay Fursad ay Hoggaanka ciyaarta ku qaban kareen waxaana qasaariyay Fursadaas Ciyaaryahanka Lambarka 7-aad Ismaaciil Muuse.

Kooxda Hilaac oo Ciyaareysay qaab Ciyaar weerar iyo Difaac ayaa ka faa’’iideysatay Qeybtii hore waxaana ay heleen Goolkii 1-aad ee Ciyaarta waxaana Dhaliyay Lambarka 17-aad Cabdishakuur Xasan Daqiiqaddii 43-aad ee kulanka Qaybtii hore ayaana kusoo Dhamaatay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Hilaac, Garsoore Maslax Cabduraxmaan ayaa bixiyay hal Calaamad Qeybtii 1-aad waxaana la siiyay Lambarka 8-aad Maxamed Maslax  ahna Kabtanka kooxda Al Bedar.

Marka dib la isugu soo laabtay Qaybtii 2-aad Kooxda Hilaac ayaa heshay Goolkii 2-aad ee Ciyaarta waxaana u Dhaliyay Lambarka 11-aad Yoonis Cumar Daqiiqadii 59-aad  ee ciyaarta.

Kooxda Al Beder oo 2-0 lagu hoggaaminayo ayaa sameysay illaa iyo sadex beddal waxaa ciyaarta soo galay Ciyaaryahanka lagu Magacaabo Sakariye Axmed oo lagu beddalay Asad Cabdirashiid Daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta waxaa sido kale soo galay Axmed Bedri Waxaana baxay Cabdow Madoobe wixii intaas ka dambeyay Kooxda Al Bedar ayaa heshay gool waxaana u Dhaliyay Lambarka 7-aad Ismaacill Muuse oo ciyaarta ka dhigay 2-1 Daqiiqadii 67-aad ee kulanka.

Dhanka kale Kooxda Hilaac Ayaa Sameysay beddal waxaa ciyaarta Soo galay Lambarka 10-aad Feysal Cali oo lagu beddalay Ibraahim Maxamed Daqiiqadii 68-aad ee Ciyaarta Qaybihii Dambe ee Ciyaarta Kooxda Hilaac ayaa heshay Goolkii 3-aad ee quusiyay Naadiga Al Beder waxaana Dhaliyay Lambarka 11-aad aad Yoonis Cumar Daqiiqadii 87-aad, goolkiisa 2-aad ee Ciyaarta Natiijada ayaana Kusoo Dhamaatay 3-1 ay ku adkaatay kooxda Hilaac.

Garsoore Maslax Cabduraxmaan ayaa bixiyay Qaybtii 2-aad kaarka hurdiga illaa 3-kaar waxaaana labo kamid ah la siiyay xiddigaha kooxda Al Bedar Maxamed Axmed Daqiiqadii 47-aad iyo Sidoo Kale Ismaaciil Muuse oo la siiyay Daqiiqadii 54-aad halka kooxda Hilaac uu qaatay Goolhaye Maxmed Xassan Daqiiqadii 85-aad ee kulanka.

Kooxda Hilaac ayaa horyaalka ku hoggaamineyso goolal waxeyna dhibcaha min 14 wadaagan Naadiga Madbacada.

Dhanka kale Kooxda Madbacada ayaa iska lumisay Fursad ay Hoggaanka horyaalka ku qaban lahayd kadib markii ay barbaro 0-0 ay la gashay kooxda Somaali Fruit Ciyaar ka dhacday Garoonka Jaamacadaha Halka kooxda Ummah Hospitaal 5-1 ay ku garaacday Kooxda Bariga Dhexe Ciyaar ka Dhacday Garoonka Muqdisho

Wareega 2-aad ee horyaalka heerka 3-aad ayaa la ciyaari  05/11/2020 Maalin Khamiis ah,

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button