Breaking NewsSOOMAALIYA

Sawiro: Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii u Dhaxeeyay Degmooyinka Hodan Iyo Yaaqshiid

Kulankaan oo ka tirsanaa Guruubka D ayaa ahaa kulan u Dhexeeyay Degmooyinka Yaaqshiid Iyo Hodan labada Degmo Ayaa Soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed aad u Wanaagsan Qaybtii hore kulanka Daqiiqadii 8-aad Degmada Hodan Ayaa Heshay Fursad gool loo Filan karay balse waa ay iska qasaariyeen Fursadaasi

Degamada Yaaqshiid ayaa iyagana abuureen fursado Qaybtii hore kulanka laakin Uma Suurtagalin iney Goolal u beddalaan Fursadahaasi Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku Soo Dhamaatay 0-0.

Marka dib la isugu Soo laabtay Qaybtii 2-aad ee Ciyaarta Degmada Hodan ayaa heshay Goolkii 1-aad ee Ciyaarta waxaana u Dhaliyay Lambarka 10-aad Xussen Goolkaasi oo ahaa mid aad u qurux badan  Daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta, wixii intaa ka Dambeyay Degmada Yaaqshiid ayaa weeraro badan ku qaaday shabaqa Degmada hodan si ay isaga soo barbareeyan ciyaarta laakiin Daafacyada Degmada hodan ayaa Soo Bandhigeen Qaab ciyaareed ku Dhisan Daafac Qaybtii 2-aad ee kulanka, natiijada Ciyaarta kuso Dhamaatay 1-0 ay ku adkaatay Degmada Hodan.

Guruubka D oo ay ku jiraan Degmooyinka Hodan Yaaqshiid Wadajir  Waaberi, waxaa Hadda Hoggaanka u hayso Degmada Hodan oo Kulankii ugu horreeyay ay ciyaaraan ka adkaatay Degmada Yaaqshiid halka Wadajir Iyo Waaberi ay ku kala baxeen barbaro 1-1.

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button