Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRRO: Degmada Kaaraan Oo Guul Cajiib ah Ka Gaartay Degmada Kaxda .

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa Galabta Waxa lagu Ciyaaray Garoonka Jaamacadaha waxeyna Ka Tirsanayd Guruubka A Waxey u Dhexeysay Degmooyinka Kaaraan Iyo Kaxda, Qaybtii hore ee Ciyaarta Degmada Kaxda Ayaa Soo bandhigtay Qaab ciyaared aad u wanaagsan iyadoo laga Gacan Sareeyay Degmada Kaaraan Qaybtii hore ee Ciyaarta.

Degmada Kaxda ayaa Heshay Goolkii Ugu Horreeyay ee ciyaarta waxaana u saxxiixay Ciyaaryahanka Lambarka 23-aad Cusmaan Jamaal Daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta, Degamada Kaxda oo Ciyaareysay Qaab Ciyaareed Weerar Ku dhisan waxaa Mar kale u Suurtagashay Iney Helaan Goolkii Labaad ee Ciyaarta Waxaana U Dhaliyay Lambarka 21-aad Axmed Cabdijibaar Daqiiqadii 32-aad Qaybtii hore ee Ciyaarta, waxaana lagu kala nastay 2-0 ay ku Hoggaamineyso Degmada Kaxda oo Qaybtii Hore Soo Bandhigtay Ciyaar aad u Qurux badan.

Qaybtii hore Ciyaarta Garsoore Axmed Jimcaale ayaa bixiyay Saddex Kaar oo ah Kaarka Digniinta waxaana labo kamid la siiyay Ciyaartoyda Degamada Kaaraan Lambarka 9-aad Maslax Cabdi Daqiiqadii 7-aad iyo Xiddiga Lambarka  3-aad Maxamuud Xassan Daqiiqadii 9-aad ee kulanka loo taagay calaamadda hurdiga, halka hal Calaamad la siiyay Ciyaartoyda Degmada Kaxda Waxaana loo taagay Lambarka 21-aad Axmed Cabdijibaar. Qaybtii hore ayaana Kusoo Dhamaatay 2-0 Ay Ku Hoggaamineysay Degmada Kaxda.

Marka Dib La Isugu Soo Laabtay Qaybtii Labaad ee Ciyaarta  Degmada Kaaraan Ayaa Markii kubada la baastay Qaybtii 2-aad Heshay Gool Daqiiqadii 46-aad Waxaana U Dhaliyay Axmed Kaafi Goolkaasi Ayaa Ciyaarta Ka Dhigay 2-1 Macalinka Degmada Kaaraan Ayaa Sameeyay Labo Beddal oo Ciyaarta wax badan ka beddalay Waxaa Soo galay Cabduraxmaan Maxamuud iyo Cabdulaahi Maxamed Daqiiqadii 47-aad ee Ciyaarta waxaana ciyaarta beddal looga Saaray Cabdifitaax Cabduraxmaan iyo Sakariye Cabduqaadir, badalka Degmada Kaaraan ayaa Cadaadiska ku badiyay Daafaca Degmada Kaxda waxeyna keentay natiijo ka duwan qaybtii hore.

Macalinka Degmada Kaxda ayaa Ciyaarta beddal ku keenay Labo Ciyaartoy Waxaana uu Ciyaarta Ka saaray Lambarka 21-aad  Axmed Cabdijibaar oo ahaa Dhaliyihii Goolkii 2-aad ee Ciyaarta waxaana Soo galay Lambarka 9-aad Muxudiin Shire Sidoo Kale Waxaa beddal Ku soo galay Idiris Axmed oo Lagu beddalay Xiddiga Lambarka 11-aad Maxamed Abiikar beddalka Ay Sameyeen Degmada Kaxda Ciyaarta waxba Kama beddalin Halka Degmada Kaaraan beddalkoodii uu ahaa mid Natiijada Ciyaarta wax wayn ka beddalay.

Weeraro is Daba Joog ah oo Degmada Kaaraan ay ku qaaday Shabaqa Degmada Kaxda Waxey Keentay in ay Gool iska Dhaliyaan Daqiiqadii 58-aad Ciyaartoyda Degmada Kaxda Gaar ahaan Daafaca lagu Magacaabo Rufaaci Ciyaartana waxey noqotay barbaro 2-2

Degmada Kaaraan waxaa gashay rajo ay ku adkaan karaan waxaana mar kale ay heleen goolkii 3-aad ee ciyaarta Afar daqiiqo kadib waxaana u Saxiixay Daafaca lagu MagacaaboCabdiraxmaan Axmed Daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta Natiijada kulanka ayaana kuso Dhamaatay 3-2 ay ku Adkaatay Degmada kaaran.

Guruubka A hadda waxaa hoggaanka u hayso Degmada Xamar Jajab oo galabta Garaacday Degmada Hiliwaa.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button