Breaking NewsSOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Waaberi iyo Wadajir oo is mari waayey Kulankoodii Koobka Degmooyinka G/banaadir 2020

Waxaa weli si xiiso badan uga socda garoomada Caasimadda Muqdisho Koobka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo Balcad kaasi oo ay soo agaasimeen Guddiga Ciyaaraha maamulka gobolka Banaadir,waxaana kulamadii ugu danbeeyay yeeshay kooxaha kujira Guruurbka D gaar ahaan Waaberi iyo Wadajir oo kulankodu ka dhhacay garoonka Eng yariisoow ee degmada C/Casiis.

Kulanka labada koox ayaa ahaa mid ah si weyn ugu soo diyaar garoobeen oo ay soo bandhigeen ciyaar aad u adkeyd o weerar iyo weerar celis ahayd,waxaana degmada Waaberi ay sameeyeen isku dayo biloowgii kulanka ilaa daqiiqadihii dhexe oo dhowr fursad gool loo filan karay ay geeyeen diilinka 18-aad ee goolka kooxda Wadajir hase yeeshee gool la’aan ayaa lagu kala nastay qeybtaasi hore.

Markii lasoo laabtay ayey labada dhinac sii wadeen weeraradii gaar ahaan degmada Waaberi, oo u muuqatay mid cadaadis ku heeysay goolka kooxda Wadajir, waxaana taabaraha kooxda Wadajir ku qasbanaaday inuu bedel sameeyo isagoo soo geliyay ciyaaryahan Daaud C/Casiis oo qaata Lambarka 19-aad waxaana la saaray Maxamed Abuukar daqiiqadii 53-aad taasoo wixii intaas ka danbeeyay uu ka yaraaday cadaadiska.

Laakiin Kooxda Degmada Waaberi ayaa iyana sameeysay Bedel waxaana ay keensadeen Ciyaaryahan Xirnaa Lambarka 7-aad oo lagu magacaabo C/fataax Origi kaasi daqiqadii 67-aad toban daqiiqo kahor marklii la keenay Saxiixay gool dhinaca midig looga soo baasay kaasi oo hogaanka u dhiibay degmadiisa,kadib Waaberi waxaa muuqatay iney iska qasaariyeen fursado kale maadama degmada Wadajir ay qaab daafac ciyaareen.

Kooxda Degmada Wadajir ayaase u suurtagashay daqiiqadii 82-aad iney helaan gool-kulaad kadib markii mmid kamida daafacyada kooxda Waaberi uu gacanta ku taabtay kubadda waxaana gool u bedelay Daa;uud C/Casiis oo bedel kusoo galay kulanka kaasoo ka dhigay 1-1 sidaa ayeyna ku kala bexeen labada kooxood, iyadoo ay xusid mudan tahay in labada ciyaaryahan ee goolasha kal dhaliyay ay bedel kusoo galeen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button