Breaking NewsSOOMAALIYA

Kooxda Elman Oo shaqada ka Joojisay Tababarahii kooxda Issa Roberto Mayanja.

Kooxda Kubadda Cagta Elman Fc Ayaa Shaqada Macalinimo Ka Joojisay Macalinkooda Roberto Mayanja, kaas oo u Dhashay Dalka Uganda Roberto Mayanja, Ayaa Maamulayay Kooxda Elman Muddo Hal Sano ah Wuxuuna Horyaalkii Dhamaaday 2019/2020 uu Ku Hoggaamiyay Naadiga Elman iney Ku Dhamaystaan Kaalinta 3-aad iyagoo helay 34-dhibcood.

Qoraal lagu Daabacay Barta Facebooka Kooxda Elman ayey Ku Xaqiijiyeen in Shaqada Laga Joojiyay Macalinka u Dhashay Dalka Uganda Roberto Mayanja, Qoraalka lagu Daabacay Barta Facebooka Ayaa U Qornaa ‘’Kaddib sanad qurux badan oo uu la Qaatay kooxda Tababare Issa Roberto Mayanja maamulka Naadiga ayaa ka fasaxay shaqada macalinnimo ee Naadiga, Guulo iyo wanaag badann ayaan u rajeyneynaa tababare Mayanja.

Dhanka Kale Naadiga Elman Wali Kuma Dhawaaqin Macalinkii beddali lahaa Macalinka ay Shaqada ka Joojiyeen  Roberto Mayanja,

Waxaa xusid Muda in Macalin Roberto Mayanja, uu Kooxda Elman Gaarsiiyay Wareega Afar Dhamaadka Tartaanka koobka General Daaa’’uud Waxaana reebtay Naadiga Horseed oo 1-0 kaga adkaatay.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button