Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRO: Degmada Waaberi Oo Guul Cajiib Ah Ka Gaartay Degmada Yaaqahiid.

Kulankaan Ayaa U Dhexeeyay Degmooyinka Waaberi Iyo Yaaqshiid Waxaana Galabta Lagu Ciyaaray Garoonka Eng-yariisow ee Degmada C/Casiis Labada Degmo ayaa Ku jiro Guruubka D, Qaybtii hore ee Ciyaarta labada Degmo Waxay Soo Bandhigeen Ciyaar Garbo Siman, Daqiiqadii 15-aad ee Ciyaarta Degmada Yaaqshiid Ayaa Heshay Fursad aad u Wayn waxaana Fursadaasi Qasaariyay Ciyaaryahanka Lambarka 9-aad Diiriye Maxamed, Dhanka Kale Degmada Waaberi ayaa Dhankooda Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed aad u Wanaagsan Qaybtii hore kulanka, Ciyaarta ayaana Ku Soo Dhamaatay 0-0 Qaybtii hore.

Garsoore Axmed Jimcaale ayaa bixiyay Qaybtii hore ee kulanka hal calaamad oo ah kaarka Digniinta waxaana la siiyay Ciyaaryahanka Kabtanka u ah Degmada Waaberi Xuseen Ibraahim Daqiiqadii 44-ad ee Ciyaarta Waana Calaamadda Kaliya ee la bixiyay Qaybtii hore Kulanka.

Marka Dib La Isugu Soo Laabtay Qaybtii Labaad ee Ciyaarta Degmada Waaberi ayaa Samaysay Beddal Waxaa Ciyaarta Beddal Ku Soo galay Ciyaaryahanka Lagu Magacaabo Saciid Maxamed Oo Lagu beddalay Xuseen Ibraahim Daqiiqadii 53-aad ee Ciyaarta Sidoo Kale waxaa Ciyaarta Beddal Ku Soo galay Cabdishakuur Cabdullaahi Oo Lagu Beddalay Cusmaan Bashiir Daqiiqadii 64-aad ee Ciyaarta.

Wixii intaa ka Dambeeyay Degmada Waaberi Ayaa Weeraro Is Daba Joog Ah Ku Qaaday Goosha Degmada Yaaqshiid Waxaana Waaberi Soo Martay 10-Daqiiqo oo la yaab leh taas oo natiijada ciyaarta Wax Wayn Ka Badashay

Daqiiqadii 70-aad ee Ciyaarta Degmada Waaberi Ayaa Heshay Goolkii 1-aad ee Ciyaarta Waxey Ahayd Kubad Laad xur ah oo Meel Fog ka Toogtay Mahad Haaruun oo Xirta Lambarka 22-aad ee Degmada Waaberi, Mar Kale Degmada Waaberi ayaa Heshay Goolkii labaad ee Ciyaarta  Daqiiqadii 75-aad Waxaana Dhaliyay Lambarka 9-aad Cusmaan Shiine, saddex Daqiiqo Kadib Haddane waxey Heleen Goolkii 3-aad ee Ciyaarta Waxaana Dhaliyay Lambarka 10-aad Saadaq Cusmaan Daqiiqadii 78-aad ee Ciyaarta intaasi kuma harin  Degmada Waaberi waxey heleen Goolkii 4-aad ee Ciyaarta waxaana U Dhaliayay Lambarka 17-aad Maxamed Ismaaciil Daqiiqadii 80-aad ee Ciyaarta, Natiijada kulanka ayaana Kusoo Dhamaatay. 4-0 Ay Ku Adkaatay Degmada Waaberi.

Garsoore Axmed Jimcaale ayaa Qaybtii labaad ee Ciyaarta Bixiyay labo kaar oo ah Kaarka Digniinta waxaana loo taagay Xiddigaha Degmada Yaaqshiid  Mustaf Axmed Iyo Maxamuud Maxamed Macalinka Degmada Yaaqshiid ayaa Ciyaarta Beddal Ku Keenay Xiddigaha kala ah Cabdifitaax Xasan Iyo Sakariye Calas Daqiiqadii 69-aad ee Ciyaarta Wallow aysan waxba ka Beddalin Kulanka.

Guruubka D  Waxaa Hoggaanka u Hayso Degmada Hodan oo Adkaatay labadii Ciyaar ay Ciyaartay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobalka Banaadir waxaana Kaalinta labaad Fadhiso Degmada Waaberi oo leh 4 Dhibic Halka Wadajir kaalinta 3-aad ku jirto ay leedahay hal Dhibic Degmada Ugu Dambeyso Guruubka waa Degmada Yaaqshiid Wax Dhibic Malahan.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button