Breaking NewsSOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Warta & Shingaani oo guul muhiim ah ka gaaray kulamadii galabta Tartanka Deg.G/Banaadir & Balcad 2020

Kulamo ku tirsan Guruurbka C koobka kubadda cagta ee Degmooyinka Gobolka banaadir iyo Balcad ayaa galabta lagu kala ciyaaray garoomada Eng-yariisoow iyo Jaamacadaha, waxaana kulanka Eng-yariisow Stadium ku wada ciyaaray degmooyinka SHINGAANI & H/WADAAG, iyadoo labada koox ay aad ugu baahnaayeen guul ay gaaraan, ciyaartooda waxay ku bilaababay weerar iyo weerar celis, kooxda Shingaani ayaa daqiiqadii 4-aad ka heshay laad toos ah meel 25 mitir u jirta goolka hase yeeshee uma suurtagelin iney hogaanka ku qabtaan.

Kooxda degmada Howl-Wadaag ayaa dhankooda daqiiqadii 20-aad heshay fursad aad u wanaagsan markii kubad garabka laga keenay diilinta ganaaxa lasoo dhex dhigay taasoo weeraryahanka Superka lagu naaneyso laga difaacay,daqiiqad kadib Ciyaaryahan Yaasiin oo Shingaani weerarka uga ciyaara ayaa halis ku abuurey goolsha kooxda Howl wadaag wallow laga soo difaacay,laakiin daqiiqadii ugu danbeeysay qeybta koobaad 45-daqiiqo ayaa waxaa si lama filaan ah hogaanka u qabatay shingaani markii Ciyaaryahankooda lambarka 15-aad ee lagu magacaabo MAHADALE kubad uu meel fog kasoo laaday iyadoo cirka jirta ay dhaaftay gool celiyaha Howlwadaag oo dhowr talaabo kasoo baxay goolka waxaana kubaddii ay ku nasatay shabaqiisa, 1-0 ayaana lagu kala nastay.

markii lasoo laabtay ayey sheekadu sii kululaatay, waxaana xusid mudan in kooxda degmada Howl Wadaag ay qaadeen weerar halis ku ahaa goosha Shingaani iyadoo baadi goobayey deynta lagu lahaa, daqiiqadii 71-aad iyo 73-aad ayaa dhowr kubad oo ay la galeen diilinta ganaaxa kooxda Shingaani laga soo saaray taasi oo halis gelisay daafacyada iyo gool celiyaha Shingaani,hase yeeshee waxaa rajada kooxda SHINGAANI sii dheereeyay ciyaaryahanka lagu magacaabo YAASIIN oo gool qurux badan daba mariyey goolhayaha shingaani daqiiqadii 77-aad kubad uu kasoo jiitay meel ka fog goolka ayuu lasoo dhexgalay diilinta 18-aad kadibna lugta bidix uga dhaiyey goolkii 2-aad oo sheekada ka dhigay 2-0 in Shingaani ku qaadato dhibcaha iyo guushii koobaad ee tartanka.

Dhanka kale Garoonka Jaamacadaha waxaa kulan adag ku yeeshay Degmooyinka WARTA NABADDA iyo SHIBIS kulankaa oo ay labada koox kusoo bandhigeen ciyaar adkeyd oo weerar iyo farsamo ku dheehneyd, waxaana garsooraha kulanka Najiib Cawil aad u xakameeyey labada dhinac isagoo 3 kaar oo digniin ah siiyey ciyaaryahano Warta nabadda katirsan.

Daqiiqadii 43-aad qeybta koobaad ayey kooxda degmada Warta nabadda Hogaanka u qabatay kulanka markii gool u saxiixay weeraryahankooda lambarka 9-aad oo lagu magacaabo C/raxmaan Jibriil, kaasi oo goolkiisu noqday mid aan laga daba marin xitaa qeybta labaad sidaana kulanku kusoo dhamaaday 1-0 oo Warta Nabadda guushu ku raacday.

Group-kaan oo ka kooban 5 degmo ayaa waxaa degmooyinka qaar ay dheeleen 2 kulan halka kuwa kalena 3 kulan ay ciyaareen, waxaana hogaaminaya Xamar weyne 4 dhibic, Howl-Wadaag 4 dhibic, Shingaani 3 Dhibic,Warta Nabadda 3 dhibic iyo Shibis oo ugu hooseysa 2 dhibic keliya shaqeeysay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button