SAWIRO: Degmooyinka Warta Nabada & Shingaani Oo Guulo Muhiim Ah Gaaray.
Waxaa galabta la ciyaaray labo kulan oo ka tirsan tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobalka banaadir xili guulo muhiim ah ay gaareen degmooyinka Warta Nabada & Shingaani kulamadan ayaa ka tirsanaa guruub C waxaana lagu kala ciyaaray garoomada kubadda cagta jaamacadaha iyo Eng Yariisoow.
Ciyaartii lagu ciyaaray garoonaka jaamacadaha waxey dhexmartay degmooyinka Warta Nabada iyo X/wayne, kulankan oo ahaa mid aad u adag qaybtii hore waxaa ku gacan sareysay degmada Warta Nabada kadib markii ay ku dhaliyeen saddex gool muddo 12-daqiiqo gudaheed.
Daafacyada degmada X/Wayne ayaa soo bandhigeen qaab ciyaareed dabacsan daqiiqadihii hore kulanka taas ayaa keentay in laga dhaliyo goolal degmada X/wayne, Daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta waxaa gool uga naxsaday degmada X/wayne Ciyaaryahanka lambarka 8-aad Cabdifitaax Shire balse daqiiqad kadib waxey dhaliyeen ciyaartoyda degmada Warta Nabada goolkii labaad waxaana daqiiqadii 4-aad u dhaliyay ciyaaryahan lambarka 23-aad Maxamed Amiin oo ciyaarta ka dhigay 2-0.
Ciyaartoyda degmada Warta Nabada oo ka faa’’iideystay dabacsanaanta daafaca degmada X/wayne ayaa daqiiqadii 11-aad waxey dhaliyeen goolkii 3-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay lamabarka 18-aad C/Casiis Maxamed oo ciyaarta ka dhigay 3-0, waxey ciyaartu socotaba degmada X/wayne waxay dhaliyeen gool waxaana u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 9-aad Fu’’aad Bashiir daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta waxaana goolkaasi uu rajo wayn ku abuuray ciyaartoyda degmada X/wayne hase yeeshee Degmada Warta Nabada ayaa heshay Goolkii 4-aad ee kulanka waxaana mar kale u dhaliyay C/Casiis Maxamed qaybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 4-1 ay ku hoggaamineyso Warta Nabada.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Degmada X/wayne waxey la soo laabteen qaab ciyaareed ku dhisan weerar iyo difaacasho waxaana macalinka degmada X/wayne uu ciyaarta beddal ku keenay Axmed Iikar oo lagu beddalay Sardhaaye Liibaan iyo Maxamed Oofow oo lagu beddalay Cabdinajiib Cusmaan daqiiqadii 57-aad ee kulanka.
Dhanka degmada Warta Nabada waxey samayeen beddalo waxaana ciyaarta soo galay Maxamed Nuur oo lagu beddalay C/Casiis Axmed iyo ciyaaryahan Khaalid Cabdirashiid oo lagu beddalay Cabdi Ladiif daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta.
Degmada X/Wayne waxey samayeen dadaalo ay ku doonayeen iney iska soo barbareeyaan ciyaarta waxaana goolkiisii labaad u dhaliyay Fu’’aad Bashiir oo ciyaarta ka dhigay 4-2, ciyaartoyda degmada X/Wayne ayaa sidoo kale iska lumiyeen fursado kale balse daqiiqadii 93-aad ee ciyaarta waxey heleen goolkii 3-aad waxaana u dhaliyay Cabdiwahaab Aweys natiijada kulanka ayaana ku soo dhamaatay 4-3 ay ku adkaatay degmada Warta Nabada.
Garsoore Hiraabe ayaa bixiyay calaamada karaka digniinta iyo calaamada casaaanka waxaana uu ciyaarta ka saaray Xuseen Maxamed oo ka tirsan degmada X/wayne daqiiqadii 75-aad sidoo kale waxaa calaamada digniinta loo taagay Akram oo lambarka 18-aad u xirta degmada X/wayne.
Dhanka Degmada Warta Nabada waxaa loo taagay Kaarka digniinta kaliya Cabdifitaax Shire
Dhanka kale garoonka Eng yariisoow ciyaartii ka dhacday waxey guusha raacday degmada Shingaani oo 2-0 ku garaacday degmada Shibis waxaana labada gool u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Bilaal
Guruupka C Koox walbo waxaa u harsan min hal kulan.
1- Shingaani 6 Dhibcood
2-Warta Nabada 6- Dhibcood
3-Howl Wadaag 4- Dhibcood
4-Xamar Wayne 4-
5-Shibis 2- Dhibcood
WQ/ Daacad
















