Breaking NewsSOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: C/CASIIS OO DHULKA LA SINTAY DEYNIILE XILI DHARKEYNLEEY SOO DHAQAAQDAY KOOBKA DEG.G/BANAADIR & BALCAD 2020

Waxaa weli si xiiso badan uga socda garoomada caasimadda Muqdisho koobka kubadda cagta ee degmooyinka GBanaadir iyo Balcad 2020,iyadoo kulamadii galabta dhacay ay ahaayeen kuwa aad u xiiso badnaa oo midba guul ku doonayeen.

Kulanka ka dhacay Garoonka eng Yariisoow waxaa uu u dhexeeyay degmooyinka Dharkenley iyo Boondheere waxayna labada koox soo bandhigeen ciyaar adkeyd iyadoo Boondheere xaaladdu ku xumeyd halka Dharkeenleey ay u sadex dhibic wadatay, waxaana daqiiqaddii 31aad gool 7 dhaliyay Dharkeynleey Laacibkooda Lambarka 10aad Haruun Cabdisataar kaasoo sababay in qeybtaasi lagu kala nasto iyadoo Dharkeynleey hogaanka heeyso.

Markii dib loo soo laabtay ayey labada dhinac halkii lasii wadeen weeraro culus oo midba midka kale ku qaaday taasoo Kooxda Degmada Dharkeynleey markale shabaqa ku dhaafeen waxaana markale u saxiixay Haaruun abdisitaar daqiiqadii 52aad.

Kooxda Boondheere ayaa heshay gool kulaad markii ciyaaryahanka lambarka 26aad ee Dharkeynleey Cawil Cabdi uu khalad galay hase yeeshee waxaa ka qasaariyay lambarka 10aad Cabdiweli Shooble daqiiqadii 61aad, wallow Ciyaaryahankooda lambarka 21-aad C/Shakuur C/qaadir uu sadex daqiiqo kadib daliyey gool ciyaarta ka dhigay 2-1

Dhinaca kale Kooxda Degmada C/Casiis ayaa dharbaaxo culus la dhacday dhigeeda Deyniile ciyaartii isla Guruurbka B ee ka dhacday garoonka Eng Yariisoow, waxaana kulankaasi ku awood badnaa kooxda C/Casiis oo 5-1 dirtey Deyniile oo sidaa tartanka uga hartay, waxaana xusid mudan in goolasha saddexleeyda uu ka dhaliyey ciyaaryahanka lagu magacaabo Nuur Maxamuud oo hadda hogaanka u qabtay gool dhalinta koobka.

Sidoo kale waxaa shabaqa Deyniile oo iska dayacnaaa gaaray Lambarka 11-aad Idiris Bilaa iyo lambarka 32-aad Cabdullaahi Cabdulqaadir kulankana wuxuu kusoo dhamaaday 5-1 oo sidaa kooxda C/Casiis ku xaqiijisey iney 10- dhibic urursatay kaalinta koobaadna u taagan tagay qeybta Bug Baxda tartanka, Dharkeenleey ayaa kusoo xigta oo leh 6 dhibic halka Balcad oo ku xigta ay leedahay 4 dhibic kulanka ugu adag ee guruurbkan wuxuu dhex maari doonaa labada degmo ee Dharkeynleey iyo Balcad oo guul wada doonaya walllow Dharkeynleey bar bar dhac xitaa muhiim u tahay.

https://scontent.fmgq1-1.fna.fbcdn.net/v/t1.0-9/124481750_1822865171200492_230876526421624796_o.jpg?_nc_cat=108&ccb=2&_nc_sid=0debeb&_nc_ohc=M_mjZbxPkFAAX8-Yh-S&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=aeb9f15d65f085605977ee427c7e2c66&oe=5FD084F0

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button