SAWIRRO: Dharkeynleey oo Wareega Labaad Xaqiijisey xili Deyniile Goolashii ugu badnaa laga dhaliyey markale Koobka Deg.G/Banaadir 2020
Waxaa heer gabo gabo ah maraya Kulamadii wareega koobaad ee guruubyada Koobka xiisaha badan ee Kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir oo sidoo kale lagu casuumay degmada balcad, waxaana kulamadii galabta dhacay ku tirsanaayeen guruurbka B.
Kooxda degmada Dharkeynleey ayaa kulanka hore waxaa ay la yeelatay dhigeeda Balcad ciyaar aad u xiiso lahayd oo labada dhinac ku doonayeen guul, wallow degmada dharkeyleey ay u baahneyd Bar bar dhac ugu yaraan, waxaa qeybta koobaad lagu kala nastay bar bar dhac goolal la’aan ah waloow ay jireen fursado aan laga faa’ideysan.
Markii dib loo soo laabtay qeybta labaad ayey halkii kasii wadeen dhinacyadu weerar iyo kubad issu dhiib wanaagsan, waxaase 3 daqiiqo kadib gool-kulaad heshay degmada Dharleeynleey waxaana gool u bedelay oo dhaliyey xiddigooda lambarka 10-aad Haaruun C/sataar oo sidoo kale karka Digniinta la siiyey kahor inta aysan helin degmadiisu gool kulaadka,
Balcad ayaa sameeysay bedel Waxaa soo galay no 13ad Ibraahim mmaxamuud waxaana la saaray oo baxay lambarka 21ad Sakariye Cabdulaahi sidoo kale Waxa kaloo soo galay lambarka 15aad Axmed maxamed waxaa baxay lambarka 11aad Nuur xasan daqiiqadii 56aad.
Kooxda Balcad ayaan is dhiibin waxaana ay soo bandhigeen kubbad wanaagsan oo weerar ku dhisan, taasoo u suuragelisay iney helaan gool kulaad daqiiqadii 58-aad waxaana u saxiixay Axmed Maxamed oo Lambarka 15-aad qaata kaasi oo bedel lagu soo geliyey garoonka, markale daqiiqadii 61aad ayey Balcad dhalisay gool ay hogaanka ku qabatay waxaana u saxiixay lambarka 10aad Axmed Cabdulaahi,
Dhinaca kooxda Dharkenley waxay sameeyeen bedelo dhowr ah, waxaana ciyaartoyda ay keentay kamid ah axmed daahir oo lambar 8 xiran iyo xasan maxamed oo lambar 16 u qaata,waxaa baxay no 13aad axmed shimaali daqiiqadii 65aad
Balcad ayaana awoodi weeysay iney difaacdaan hogaanka ciyaarta wixii ka danbeeyay daqiiqadii 80-aad weeraro lagu qaaday gooshooda waxaa ay sababtay in ciyaaryahanka lambarka 19-aad Feysal cabduqaadir dhaliyey gool daqiiqadii 83aad, waxayne ugu sii darneyd Balcad markii daqiiqadii 90-aad markale Shabaqooda dhaafiyey kubadda isla ciyaaaryahan Feysal C/Qaadir oo Dharkeynleey u xaqiijiyey guul muhiim u ah oo ay ugu soo gudbeen wareega Bug Baxda oo degmada C/Casiis horey uga soo gudubtay Guruurbkan.
Dhanka Kale Kooxda degmada Boondheere ayaa kulan isla Guruurbka B kutirsan waxaa ay ku Ciil baxday Degmada Deyniile oo loogu awood sheegtay 5-0 waxaana xusid mudan in labada degmo ay ka hareen Guruurbka wallow Boondheere ay hartay iyagoo 5 dhibic shaqeeyay, hase yeeshee Deyniile ayaa Afartii kulan laga wada badiyey weliba laga dhaliyey goolashii ugu badnaa tartanka ee hal koox laga dhaliyo.