SAWIRO: Degmooyinnka Shingaani & Warta Nabada Oo U SOO Gudbay Warreega Sideed Dhamaadka Tartanka Degmooyinka.
Waxaa soo dhamaaday heerkii guruubyada tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka banaadir illaa iyo labo kulan oo ka tirsan Guruubka C ayaa galabta lagu kala ciyaaray garoomada Eng –yariisow iyo Jaamacadaha, ciyaartii ka dhacday garoon Eng-yariisoow waxey dhexmartay Degmooyinka Warta Nabada Iyo Shingaani kulankan oo ahaa mid aad u adag waxey labada dhinac soo bandhigeen ciyaar awood ahaan garbo siman qaybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 0-0 ma jirin wax calaamad ah uu bixiyay Garsoore Axmed Jimcaale iyo wax beddal ah ay samayeen labada Degmo qaybtii hore kulanka.
Marka dib la isugu soo laabtay degmada Warta Nabada ayaa samaysay beddalo waxaana ciyaarta beddal ku soo galay Cabdikariin Bashiir iyadoo ciyaarta beddal ku baxay Saadaq C/Casiis daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta sidoo kale waxaa beddal ku soo galay C/Qaadir C/Raxmaan oo lagu beddalay C/Casiis Maxamed daqiiqadii 69-aad ee kulanka, dadaalo iyo weeraro ay samayeen ciyaartoyda degmada Warta nabada waxay heleen gool waxaana u dhaliyay lambarka 23-aad Maxamed Amiin daqiiqadii 65-aad wixii intaa ka dambeeyay degmada Warta nabada waxey soo bandhigeen ciyaar qaab difaac iyo weerar ku dhisan.
Dhanka kale Degmada Shingaani ayaa dhankooda waxey samayeen beddalo qaybtii labaad ee kulanka waxaa ciyaarta beddal ku soo galay Ibraahim Cabdi waxaana ciyaarta laga saaray Cabdullaahi Xaashi daqiiqadii 69-aad ee kulanka sido kale waxaa ciyaarta soo galay C/Qaadir Aweys waxaana beddal ku baxay Xuseen Axmed daqiiqadii 69-aad ee kulanka, ciyaartoyda degmada Shingaani oo weero is daba joog ah ku qaadeen shabaqa degmada Warta Nabada waxey heleen kubad laga dhigay qalad uu sameeyay goolhayaha degmada Warta Nabada taas oo keentay in xerada ganaaxa dhexdeeda laga dhigo waxaan gool u beddalay lambarka 16-aad Bilaal Maxamed Daqiiqadihii lagu daray kulanka 94 daqiiqo, natiijada kulanka ayaana ku soo dhamaatay barbaro 1-1.
Garsoore Axmed Jimcaale ayaa bixiyay qaybtii labaad calaamada karaka digniinta waxaana la kala siiyay labada dhinac Degmada Warta nabada waxey qaateen labo kaar oo ah karaka digniinta waxaana la kala siiyay xiddigaha kala ah Maxamed Amiin daqiiqadii 60-aad ee kulanka halka Sakariye Nuur la siiyay daqiiqadii 72-aad ee kulanka, Dhanka degmada Shingaani kaliya hal calaamad ayaa la siiyay waxaana qaatay Xasan Cabdi daqiiqadii 72-ad ee kulanka ma jirin calaamad kale uu bixiyay Garsoore Axmed Jimcaale.
Dhanka kale kulankii galabta lagu ciyaaray garoonka jaamacadaha eek a tirsanaa Guruubka C waxuu dhexmaray degmooyinka Howlwadaag Iyo X/wayne waxaana 4-3 ku adkaatay degmada Howlwadaag nasiib daro waxey ku hareen farqiga dhanka goolasha ay ku soo baxday degmada Warta Nabada maadaama aymin 7 dhibcood ay wadaageen.
Guruubka C
1-Shingaani 7-Dhibcood
2-Warta Nabada 7-Dhibcood
3-Howlwadaag 7-Dhibcood
4-X/Wayne 4- Dhibcood
5-Shibis 2 Dhibcood
Warreega sided dhamaadka waxey degmooyinka iskugu beegmeen
Xamar Jajab Vs Warta Nabadda Axad 15/11/2020
C/Casiis vs Hodan Isniin 16/11/2020
Shingaani vs Kaaraan 18/11/2020
Dharkenley Vs Waaberi 19/11/2020
WQ/Daacad