NewsOLYMPICSSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Muxuu ku Saabsanaa kulanka uu Wasiirka Ciyaaraha dalka la qaatay Madaxda Xiriirada kala duwan iyo Guddiga Olombikada ?

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka Xamse Siciid Xamse ayaa xarunta wasaaradda kula shiray dhamaan madaxda Xiriirada kala duwan ee dalka ka jira iyo Guddiglaga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, waxaana kulankaasi oo socday saacado badan looga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Tayada ciyaaraha dalka iyo u diyaar garoowga tartanka Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa ugu horeyn talooyinka dhegeeystay Gudoomiyayaasha Xiriirada iyo Madaxda Guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS, iyadoo talooyinku ay ahaayeen kuwo lagu hormarinayo Ciyaaraha iyo tartamada dalka ka dhaca, kuwaa oo la gaarsiin doono deegaanada Mamaulada dalka.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaaraha Xamsa Siciid Xamsa ayaa halkaasi ka hadlay isagoo u mahad celiyay Guud ahaan Madaxda xiriirada waqtiga adag ee ay usoo dhabar adeygeen  dhaq dhaqaaqa Ciyaraha dalka iyo dibaddiisa,

Wasiir Xamsa ayaa soo jeediyey in Tartanka ugu soo horeeya ee Maamulada dalka iyo Gobolka Banaadir oo markii hore kagu tartamayey kubadda Cagta oo keliya wax laga bedelo oo lagu kordhiyo Kubadda Koleyga iyo Ciyaaraha fudud,

Dhanka kale Wasiirka Ciyaaraha ayaa shir Khadka Zooom Ama Fogaan arag kula qaatay wasiirada Ciyaaraha ee maamulada dalka, kaasi oo lagu soo qaaday u diyaar garoowgooda tartanka bisha danbe la filayo inuu Muqdisho ka dhaco.

Kulanka oo ahaa midkii ugu horeeyay ee ay kasoo qeybgalaan dhamaan madaxda xiriirada dalka iyo guddiga olombikada ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo Agaasimayaasha wasaaradda DCiyaaraha ee DFS.

C/Xafiid Zaciimka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button