Breaking NewsSOOMAALIYASportsTartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda X/jajab oo Sanadkii labaad xiriir ah gaartay Nus-dhamaadka koobka Deg/Gobolka Banaadir

Kooxda  Kubadda Cagta ee degmada X/jajab ayaa soo gaartay heerka Afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir 2020, kadib markii ciyaaar aad u adkeyd la yeesheen dhigooda  Warta Nabadda.

Kulanka Labada degmo ayaa ahaa mid aad u adkaa oo ay si weyn isugu soo diyaariyeen, iyadoo ay xusid mudan tahay in Degmada Xmar jajab aan marna laga soo badinin kulamadii heerka Guruurbka oo kaalinta koobaaad uga soo gudubtay, halka Warta nabadda ay kusoo baxday dadaal iyo soo laaabasho kadib markii kulankii koobaaad guruurbka laga badiyey.

Kubaddu waxay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyadoo daqiiqadii 4-aad fursad ay heleen Xamar jajab markii kubad si fiican loo qaaday uu aaday ciyaaryahanka Lambarka 7-aad ee Xamar jajab kaasi oo goolhayaha Warta Nabadda kubadii uu kaga hormaray hase yeeshee ay isku dheceen halkaasoo karaka Jaalaha lagu siiyey weeraryahanka lambarka 7-aad ee X/jajab.

Daqiiqadii 12-aad ayuu markale kubad uu abuurey ciyaaryahan Cabdullaahi M Abshir oo lambarka 14aad u qaata Xamar Jajab waxaa soo saaray daafaca Warta,dhanka Warta nabadda daqiiqadii 18-aad ayey heleen fursad fiican xiligaasoo weeraryahankooda kubadda soo laaday ag martay goosha xamar jajab, hase yeeshee daqiiqadii 21-aad Weeraryahanka lagu magacaabo Hanad ayaa sigey inuu shabaqa Warta nabadda uu soo taabto, kubaddaasi oo dhowr jeer soo laa laabatay kadib lambarka 7-aad uu si qalad ah u laaday.

Wallow Warta Nabadda kubadaha ay sameeyaaan ay ku dhamaanayeen khadka dhexe ayaa hadana weeraryahanada Xamar jajab waxay qeybtaasi koobaad abuureen fursado dhowr ah gaar ahaan ciyaaryahan lambarka 7-aad Hanad oo ahaa Halista ay wajahayeen daafacyada Warta, waxaana qeybtaasi lagu kala nastay 0-0.

Markii lasoo laabtay ayey Warta nabadda heleen fursad Cajiib ahayd markii daqiiqadii 54-aad Laacibka lambarka 23-aad Maxamed Amiin Shariif uu lugta bidix ku laaday Kubad xoog ku socotay wallow wax yar goosha Xamar jajab  dhinac martay,laakiin daqiiqadii 67aad Ciyaaryahan Cabdi Naasir ayaa laaday Kubad laad toos ah Free Kick cajiib ahaa Birta ayaase bad baadisey Warta Nabadda ugu danbeystii kulanku wuxuu kusoo dhamaaday gool la;aan 0-0.

Hase yeeshee Gool kulaadyo loo dhogay si look ala saaro waxaa 5-3 guushu ku raacday Xamar Jajab oo sidaa sanadkii labaad oo xiriir ah ugu soo gudubtay Nus dhamaadka koobka degmooyinka G/banaadir, Gool celiyaha degmada X/jajab ayaana loo aqoonsaday laacibka Kulanka (Man of the match).

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button