Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRO: Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii U Dhaxeeyay Degmaooyinka C/Casiis & Hodan Tartanka Degmooyin Gobalka Banaadir.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag kana tirsanayd warreega Sideed Dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka banaadir ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/Casiis.

Kulankaan ayaa u dhexeeyay degmooyink C/Casiis Iyo Hodan labada dhinac waxey soo bandhigeen qaybtii hore ee ciyaarta ciyaar awood ahaan garbo siman oo ku dhisan weerar iyo iska caabin degmada C/Casiis ayaa heshay gool daqiiqadii 35-aad qaybtii hore kulanka waxaana goolkaas u saxiixay xiddiga lambarka 33-aad Mahad C/Qaadir hase yeeshe afar daqiiqo kadib degmada Hodan ayaa la timid goolka barbaraha ciyaarata waxaana u dhaliyay lambarka 3-aad Sacad Saalax daqiiqadii 39-aad ee kulanka, qaybtii hore ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1.

Garsoore C/fitaax Saciid Mire ayaa bixiyay labo kaar oo ah karaka digniinta qaybtii hore waxaana la kala siiyay labada dhinac kaarkii ugu horeeyay kulanka waxaa loo taagay ciyaaryahanka degmada C/Casiis, Abuukar Cabdi daqiiqadii 20-aad halka dhanka degmada Hodan la siiyay Sacad Saalax daqiiqadii 45-aad ma jirin wax beddalo ah ay samayeen labada dhinac qaybtii hore ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad degmada Hodan waxey samayeen labo beddal waxaa ciyaata beddal ku soo galay, Yaxye Khaliif oo lagu beddalay Xuseen Cali sidoo kale waxa beddal ku yimid  Cabdikariin Maxmuud oo lagu beddalay Cusmaan C/qani daqiiqadii 64-aad ee kulanka degmada hodan waxey abuureen fursado badan ha yeeshe dadaalo ay bixiyeen daafacyada degmada C/casiis uma suurtagalin iney ka faa’iideystaan fursadahaasi balse Degmada Hodan waxey heleen gool ku laad waxaana gool ku laadkaasi ka qasaariyay ciyaaryahanka lambarka 10-aad Xuseen Cali daqiiqadii 66-aad ee kulanka.

Dhanka kale Degmada C/casiis oo qaybtii labaad soo bandhigtay ciyaar qaab weerar iyo difaac ku dhisan waxey samayeen beddalo waxaana ciyaarta beddal ku soo galay Cabdulaahi C/qaadir oo lagu beddalay Shaafi Yuusuf daqiiqadii 48-aad halka ciyaaryahan Mustaf Xasan lagu beddalay Mahad C/qaadir daqiiqadii 82-aad ee kulanka labada degmo waxey abuureen fursado laakiin natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Garsoore C/fitaax Saciid Mire ayaa bixiyay qaybtii labaad saddex kaar oo ah karaka digniinta waxaana labo kamid ah la siiyay ciyaartoyda degmada Hodan, Aweys C/qaadir iyo Cabdala Shariif halka kaarka kale la siiyay ciyaaryahanka degmada C/casiis C/duraxmaan Aaadan ma jirin calaamad kale oo la bixiyay.

Maadaama kulanka uu bug bax waxaa labada degmo lagu kala saaray gool kulaadyo 4-2 waxaa ku adkaatay Degmada C/casiis oo u gudubtay Warreega afar dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka banaadir, waxaana ay la ciyaari doonaan degmada Xamar Jajab 21/11/2020.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button