Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRO: Degmada Shingaani Oo U Gudubtay Warreega Afar Dhamaadka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka.

Degmada Shingaani ayaa u gudubtay warreega afar dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka banaadir sanadkii labaad oo xiriir ah, kadib markii ay guul ka gaartay degmada Kaaraan, kulankan oo ahaa mid ka tirsan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka banaadir warreegiisa sided dhamaadka ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Eng-yariiso ee Degmada C/casiis.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxaa garoonka Eng-yariiso soo buux dhaafiyay taagerayaal  aad u badan oo taageerayay labada degmo, ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo iska caabin waxaana labada degmo qaybtii hore kulanka ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan wallow degmada kaaraan ay iska qasaariyeen fursado, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Garsoore Maslax ayaa bixiyay min labo calaamad oo ah kaarka digniinta qaybtii hore kulanka waxaana la kala siiyay labada dhinac kaarkii ugu horreeyay ee kulanka waxaa la siiyay degmada Shingaani ciyaaryahanka lambarka 13-aad Xasan Cabdi daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta, sidoo kale lambarka 9-aad Xuseen Cabdi ayaa loo taagay kaarka hurdiga daqiiqadii 29-aad ee kulanka.

Dhanka kale degmada kaaraan waxaa ka qaatay kaarka hurdiga xiddigaha kala ah Cabdiraxiin Xaaji daqiiqadii 19-aad halka C/Raxmaan Axmed oo loo taagay daqiiqadii 39-aad ee kulanka ma jirin wax beddal ah ay samayeen labada degmo qaybtii 1-aad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta macalinka degmada kaaraan ayaa sameeyay hal mar illaa iyo seddax beddal waxaa ciyaarta soo galay C/raxmaan Maxamuud oo lagu beddalay Axmed Kaafi halka Sakariye C/Qaadir lagu beddalay C/raxmaan Axmed beddalkii saddexaad waxaa ciyaarta soo galay aadan isxaaq oo lagu beddalay aadan Maxamed daqiiqadii 60-aad ee kulanka.

Dhanka degmada Shingaani waxaa ciyaarta beddal ku soo galay Ibraahim Cabdi oo lagu beddalay Yaasiin Abuukar iyo sido kale Cabdi Maalik Cumar oo lagu beddalay Xuseen Cabdi daqiiqadii 75-aad ee kulanka.

Degmada shingaani ayaa la soo laabatay qaybtii labaad ciyaar ku dhisan  weerar is daba joog ah waxaana u soortagashay iney helaan gool daqiiqadii 52-aad goolkaasi waxaa u dhaliyay lambarka 13-aad  Xasan Cabdi goolkan ayaa wadada u furay degmada shingaani waxey heleen gool kale daqiiqadii 70-aad waxaana u saxiixay lamabarka 14-aad Maslax Maxamed wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, sideed daqiiqo kadib waxey heleen goolkii saddexaad ee ciyaarta goolkaan ayaa ahaa mid ay iska dhliyeen daafacyada degmada kaaraan ciyaarta ayaa noqotay 3-0 ay ku hoggaamineyso degmada Shingaani.

Dhanka kale degmada kaaraan ayaa heshay gool daqiiqad kadib markii ay iska dhaliyeen goolkii saddexaad waxaana daqiiqadii 71-aad u dhaliyay goolkaasi lamabarka 9-aad Maslax Cabdi, natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 ay ku adkaatay degmada Shingaani.

Degmada Shingaani ayaa warreega afar dhamaadka la ciyaari doonto midii soo baxdaa labada degmo ee kala ah Dharkenley iyo Waaberi oo maalinta beri ciyaari doono.

WQ/ Daacad

No description available.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button