Breaking NewsSOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Dharkeenleey oo Sanadkii Labaad xiriir ah Meel saartay Waaberi una gudubtay Nus-dhamaadka Tartanka Deg.Gobolka Banaadir 2020

Kooxda degmada Dharkeenleey ayaa jaratay tikidhkeeda Nus dhamaadka koobka kubadda cagta degmooyinka Banaadir kadib ciyaar aad u adkeyd oo ay la yeesheen dhigooda Waaberi, taasi oo ka dhacday garoonka Eng-yariisoow degmada C/Casiis.

Kulanka labada koox ayaa ahaa mid aad u adkaa oo ay kusoo bandhigeen kubad farsamo ku dheehneyd waxaana qeybtii koobaad lagu kala nastay gool la’aan,  wallow ay jireen fursado ay abuureen dhinacyadu laakiin eysan ka faa’ideysan.

Qeybtii labaad ee kulanka ayaa waxaa halkii kasii socday weerarkii labada dhinac iyadoo dhanka Waaberi kubadoodu ay ku dhamaaneysay afka diilinta ganaaaxa ee dharkenleey, halka dhankenley ay dhankooda kubbado dhaadheer iyo Geesaha ay ka dhaqaaqayeen waxaase daqiiqadii 53-aad ay heleen Gool-kulaad markii kubad kujirta diilinta ganaaxa ee gacanta uga dhacday mid kamid ah daafacyada Dharkenleey, waxaana gool u bedelay weeraryahanka lambarka 9-aad Cismaan Bashiir,

Laakiin Dharkeenleey oo xiligaas si weyn uga carootay go’aanka garsooraha ayaan is dhiibin waxaana sameeyeen weeraro xiriir ah oo Shan daqiiqo kadib ku heleen gool aad u qurux badan oo uu u saxiixay ciyaaryahan Deeqoow Xuseen oo lambarka 24-aad xiran sidaa ayuuna kulanku kusoo dhamaaday waqtigii loogu talo galay 1-1.

Gool Kulaadyo loo dhigey si look ala saaro labada kooxood oo midood laga doonayey iney Nus dhamaadka aado ayaa waxaa 4-1 guushu ku raacday Dharkeenleey oo la xusuusto iney koobkan sanad kahor ka qaaday isla Waaberi.

Kulamada Nus Dhamaadka waxaa sabtida kulanka koobaad yeelan doona X/jajab iyo C/casiis, halka Axadda ay is arki doonaan Degmooyinka Dharkeenleey iyo Shingaani.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button