Breaking NewsNewsOLYMPICSSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Tartanka Orodka Nabadda Puntland oo lagu qabtay Magaalada Garoowe

Waxaa Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland lagu qabtay Tartan Orod ah oo laga soo ordayey ilaa 5km, waxaana tartanka oo loogu magacdaray Orodka Nabadda Puntland ka qeyb galey dhalinyaro aad u tiro badan.

Tartanka waxaa soo agaasimey wasaaradda Shaqada Shaqaalaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad goboleedka Puntland, waxaana Ciyaartoyda ordeysay qaarkood ay muujiyeen adkeysi iyo dadaal balaaran, maadaama ay qaarkood u ahayd markii ugu horeeysay ee ay ka qeybgalaan orod half Marathon ah.

Munaasabad Kooban oo loo qabtay waxaa kaqeybgalay Madaxda ugu sareeysay Puntland gaar again Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Puntlad Axmed Cilmi Karaash wasiiro kala duwan xilibaano iyo marti sharaf kale waxaana halkaasi abaal marino lacageed lagu gudoonsiiyey ciyaartoydii kaalimaha hore ka gashay tartanka.

Orodyahanka Kaalinta koobaad galley waxaa la gudoonsiiyey Lacag ilaa 1000 Dolar ah, halka kaalinta labaad iyo Saddexaadna min 500 dolar la siiyey, karaash oo gobta ka hadlay ayaa sheegay sida munaasabaddaasi ay uga duwan tahay kuwii kale ee siyaasadda ama odayaasha ee uu ka qeybgeli jirey, isagoo ciyaaryahanada u rajeeyey iney guulo ka keenaan tartamada ciyaaraha fudud ee Soomaaliya iyo midka caalamka mustaqbalka dhow, maadaama sida uu yiri Puntland caan ku tahay Ciyaaraha sida uu yiri.

Dalka Soomaaliya ayaa meelaha uu taariikhda ku yeeshay dhanka Ciyaaraha waxaa ugu horeeya Ciyaaraha Fudud oo la xusuusto in Ciyaaryahano dhowr ah ay magac ka sameeyeen kuwaa oo Guulo iyo billado kasoo hooyiyey Orodada iyo Boodada oo ay meelo kamid ah caalamka uga qeybgaleen, waxaana la aaminsan yahay in haddii xooga la saaro markale la heli karo ciyaartoy wanaagsan oo magac kale u keena dalkan.

W/Q: C/Xafiid C/Samad Zaciimka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button