Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRO: Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii U Dhexeeyay Degmooyinka X/Jajab & C/casiis ee Ka Tirsanaa Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka.

Kulankaan oo ahaa mid aad u adag kana tirsanaa warreega afar dhamaadka tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka banaadir  ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/casiis.

Garoonka Eng-yariisoow waxaa galabta soo camiray taagerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada degmo, ciyaartan oo ahayd mid kala bax ah waxey labada degmo soo bandhigeen ciyaar awood ahaan garbo siman, qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-0.

Garsoore Abuukar Cabdi Hiraabe ayaa bixiyay kaliya hal calaamad oo ah kaarka digniinta waxaana loo taagay ciyaaryahanka lambarka 25-aad u xirta degmada X/Jajab C/qaadir Cusmaan daqiiqadii 26-aad qaybtii hore kulanka, ma jirin wax beddal ay sameeyen labada degmo.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad degmada C/casiis ayaa samaysay beddalkii ugu horreeyay kulanka waxaana ciyaarta beddal ku soo galay Mahad C/qaadir iyadoo ciyaarta laga saaray Cabaas Cali daqiiqadii 46-aad qaybtii labaad, sidoo kale degmada C/casiis beddalkii labaad  waxaa ciyaarta beddal ku  yimid Mustaf Xasan waxaana  lagu beddalay Nuur Maxamuud daqiiqadii 87-aad.

Dhanka kale Degmada X/Jajab waxey samayeen beddalo waxaana ciyaarta beddal ku soo galay Ismaaciil Maxamed oo lagu beddalay Saciid Xaaji daqiiqadii 53-aad sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray ciyaaryahan Ismaaciil Maxamed oo beddal ku yimid waxaana  mar kale lagu beddalay C/raxmaan Axmed daqiiqadii 87-aad ee kulanka, wixii intaa ka dambeeyay ladada degmo waxey abuureen fursado goolal loo filan karay laakiin kama aysan faa’iideysan fursadahaasi.

Garsoore Abuukar Cabdi Hiraabe ayaa bixiyay qaybtii labaad illaa iyo seddax kaar oo ah kaarka digniinta waxaana labo kamid ah la siiyay degmada X/Jajab xiddiga lagu magacaabo Ismaaciil Maxamed oo beddal ku yimid ayaa loo taagay kaarka hurdiga daqiiqadii 67-aad, iyo ciyaaryahanka lagu magacaabo Ilyaas Ibraahim oo loo taagay daqiiqadii 75-aad ee kulanka dhanka degmada C/casiis kaliya waxaa kaarka digniinta la siiyay xiddiga lagu magacaabo C/raxiin Aaadan daqiiqadii 79-aad natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 0-0.

 Waxaana labada dhinac loo dhigay gool ku laadyo 3-1 waxaa ku adkaatay Degmada C/casiis maadaama 4-gool kulaad ay tuurteen waxey dhaliyeen 3 kamid ah halka mid ay iska qasaariyeen dhanka degmada X/Jajab waxey dhaliyeen hal gool waxeyna iska qasaariyeen labo kale, sidaas ayey guusha ku raacday degmada C/casiis.

Dhanka kaale kulanka galabta waxaa barbar socotay xaflad lagu xusayay munaasabada maalinta macalinka soomaaliyeed 21ka November oo maanta ku beegneed degmada C/casiis ayaana halkaas ku guddooontay koobkii lagu xusaayay munaasabada maalinta macalinka 21ka November, Degmada C/casiis oo gaartay markii ugu horreysay fiinaalka tartanka kubada cagta degmooyinka gobalka banaadir ayaa sugi doonto kooxdii soo baxdaa degmooyinka Dharkeenley iyo Shingaani oo berito ku balansan garoonka Eng-yariisoow.

W/Q: Shucayb Haamud Ibraahim   

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button