Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRO: Degmada Shingaani Oo Gudubtay Fiinaalka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka.

Degmada Shingaani ayaa u gudubtay fiinaalka tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka banaadir kadib markii ay ka adkaadeen degmada dharkeenley oo difaacaneysay tartanka kubada cagta  degmooyinka gobolka banaadir.

Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa lagu ciyaaray galabta garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/casiis, labada degmo ayaa soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo ahayd weerar iyo weerar celis, degmada Shingaani ayaa heshay goolkii ugu horreeyay kulanka waxaana u dhaliyay lamabarka 14-aad Maslax Maxamed daqiiqadii 18-aad ee kulanka, goolka ay dhaliyeen degmada Shingaani wuxuu ciyaarta ka dhigay mid labada degmo ay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan qaab weerar ah.

 Degmada dharkeenley ayaa iska soo babareysay ciyaarta daqiiqadii 35-aad ee kulanka waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lamabarka 34-aad u xirta degmada Dharkeenleey Maxamuud Maxamed, degmada dharkeenleey oo weeraro is daba joog ku qaaday shabaqa degmada Shingaani ayaa heshay gool mar kale waxaana u dhaliyay lambarka 28-aad Maxamed Ibraahim daqiiqadii 39-aad ee kulanka waxaana hoggaanka ciyaarta la warreegtay degmada dharkeenley qaybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay  degmada dharkeenleey.

Garsoore Maslax ayaa bixiyay illaa iyo saddex kaar oo ah kaarka digniinta waxaana dhamaantood qaateen ciyaartoyda degmada dharkeenley xiddigaha kala ah Maxamuud Maxamed daqiiqadii 24-aad  Feysal C/qaadir daqiiqadii 36-aad iyo goolhaye Maxamed Yuusuf oo loo taagay daqiiqadii 78-aad ee kulanka ma jirin wax calaamad ah ay qaateen ciyaartoyda degmada Shingaani labada qayb ee ciyaarta.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka  labada degmo ayaa abuureen fursado goolal loo filan karay degmada Shingaani oo weerar xoogan ku qaaday shabaqa degmada dharkeenleey ayaa heshay gool kulaad  daqiiqadihii ugu dambeeyay kadib markii xirada ganaaxa lagu jilaafay C/xakiin Axmed oo ka tirsan degmada Shingaani  daqiiqadii 86-aad ee kulanka waxaana gool kulaadkaasi gool u beddalay C/xakiin Axmed oo qaladka lagu galay, natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-2 waqtikii loogu tala galay.

Labada degmo ayaa lagu kala saaray gool kulaadyo waxaana 4-3 ay guusha ku raacday degmada Shingaani oo fiinalka tartanka kubada cagta degmooyinka la ciyaari doonto degmada C/casiis.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button