Breaking NewsSOOMAALIYA

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Oo Warqad Ogeysiis Ah U Dirtay Dhamaan ka qaybgalayaasha Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Bobolka Banaadir.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda somaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay xiliga uu furmi doono tartanka maamul goboleedyada iyo gobalka banaadir, war qoraal ah ay soo saartay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda soomaaliya ayaa lagu sheegay in 25 bisha December uu si rasmi ah u furmi doono tartamada loogu talagalay in loo qabto maamul goboleedyada iyo gobalka banaadir, tartamadan ayaa isugu jiri doono K/cagta K/kolayga iyo ciyaaraha fudud.

Sidoo kale war saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in maamul goleed kasto iyo gobolka banaadir laga rabo 50 qof oo isugu jira Madex ,Tababarayaal iyo Ciyaartoy waxaana loo kala saaray 25-kamid waa ciyaartoy 15 kamid ah waa kubadda kolayga halka 10-ka kale ay yihiin ciyaaraha fududud.

Tartamadan ayaa bilaaban doono 25 bisha December waxeyna socon doonaan illaa 15-ka bisha janaayo, wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda somaaliya ayaa ku wargalisay dhamaan kooxaha  in liiska ciyaartoyda iyo madaxda liska rabo 10 bisha December 2020.

Tartamada maamul goboleedyada ayaana la qaban labadii sano ugu dambeysay.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda.

WQ/ Daacad

No description available.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button