Breaking NewsHORYAALADAOLYMPICSSOOMAALIYASportsTartanka MaamulladaWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: ISKU-AADKA TARTANKA MAAMULADA DALKA & G/BANAADIR 2020 OO LASAMEEYAY GROUP-KEE UGU ADAG ?

Waxaa magaalada Muqdisho caawa lagu sameeyay Isku-aadka koobka kubadda cagta ee mamaul goboleedyada dalka iyo gobolka banaadir 2020, kaasi oo sanadihii ugu danbeeyay la qabanayey wallow uu baaqdey sanadkii aynu soo dhaafnay, waxaana tartanka ka qeybgalaya xulal kala metalaya shanta maaul goboleed iyo gobolka banaadir.

Munaaabad lagu sameeynayey qorituurka tartanka ayaa waxaa kasoo qeybgaley masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir Madaxda ugu sareeysa XSKC, Guddiga Fulinta Xiriirka, wakiilada Xulalka tartanka ciyaaraya, Ciyaaryahano hore Magac kulahaa Kubadda Cagta beri samaadkii iyo dadkale oo lagu casuumay iyadoo si Toos oo live ah ay u baahineysay Astaan Sports barteeda facebook.

Guruurbka A waxaa wada galay Xulalka Banaadir,Galmudug iyo Hirshabeelle, halka Guruurbka B, ay wada galeen Difaacadayaasha Tartanka ee Jubbaland, KoofurGalbeed iyo Puntland oo la xusuusto iney kama danbeeysta soo gaartay tartankii ugu danbeeyay, waxaana guruurbkan B lagu tilmaamay mid aad u adag maadaama Xulalku ay diyaaar garoow weyn soo sameeyeen.

Tartanka ayaa waxaa uu si rasmi ah u bilaaban doonaa 15-ka Bisha soo socota ee December, waxaana guruurb kasta kasoo bixi doona labo koox oo si Semi final ah isku arki doonaan Afata soo baxda kadibna kama danbeys ayeey dheeli doonaan labada koox ee Semi finalka kasoo gudubta haddii uu alle yiraahdo

Tartanka Kubadda cagta ee heer Gobol ayaa waxaa uu kamid yahay tartamada laga dhaxlo ciyaaryahano wanaagsan oo ku biira kooxaha heerarka kala duwan ee dalka kuwaasoo xitaa gaara ama loo xulan karo heer Qaran, iyado la xusuusto in Ciyaarihii Gobolada dalka ee beri samaadkii laga dhaxlay ciyaartoy Tayo wanaagsan leh oo qaarkood ilaa heer Qaran gaaray..

W/Qorey: Cabdi Xafiid Zaciimka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button