SAWIRRO: Degmada Shingaani oo noqotay horyaalka degmooyinka G/banaadir 2020 kadib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen C/casiis
Waxaa garoonka kubadda cagta ee Injineer yariisoow ex kooonis lagu soo gabo gabeyey tartankii kubadda cagta ee degmooyinka gobolka banaadir 2020 iyadoo tartankaasi oo ay ka qeybgaleen kooxaha degmooyinka gobolka iyo degmada balcad oo lagu casuumay ciyaartii kama danbeeysta isugu soo hareen degmooyinka Shingaani iyo C/casiis kuwaa oo galabta ku hardamay garoonkaasi.
Kulanka labada kooxood oo kooxuhu si aad ah isugu soo diyaariyeen ayaa waxaa usoo daawasho tegey taageerayaashii ugu faraha badnaa tan iyo biloowgii tartanka, waxaana sido kale kasoo qeybgalay Wasiirka Koobaad ee xukuumadda Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Xamsa Siciid Xamasa, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish, Xilibaano iyo masuuliyiin kale.
Kulanka ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis waxaana koooxda degmada Shingaani u suurta gashay iney biloowgii ciyaarta hogaanka u qabtaan markii daqiiqaddii 6aad uu gool qurux badan u saxiixay ciyaaryahankooda lambarka 13-aad Xasan Cabdi Xasan, waxaana kadib labada dhinac ay sameeyeen fursado kale oo goolal loo filan karay hase yeeshee qeybtaasi hore waxaa lagu kala nastay iyadoo 1-0 kooxda Shingaani hogaanka ku heeysay xili Shingaani ay iska qasaarisey gool-kulaad kusii dheereyn kareen hogaanka waxaana qasaariyey ciyaaryahankooda lambarka 9-aad.
Markii dib loo soo laabtay qeybta labaad kooxda Shingaaani ayaa heshay Goolkii 2aad waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda lambarka 14aad Maslax Maxamed daqiiqadii 56aad waxaana kulanka guud ahaan kusoo dhamaaday 2-0 oo ay Shingaani ku sameeyeen taariikh koobka kubadda cagta ee degmooyinka iyagoo noqday Horyaalka Degmooyinka 2020.
.
RW xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kama dambeystii jeediyey qudbad isagoo u hambalyeeyay dhamaan kooxihii ka qeybgalay tartanka iyo maamulkii soo agaasimey isagoo si gaara ugu hambalyeeyay kooxda degmada Shingaani oo koobka qaaday halkaasina lagu gudoonsiiyey Koobka quruxda badan.
Bi