Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRO: Tartanka Maamul Goboleedyada & G/banaadir Oo Si Rasmi Ah Ugu Furmay Magaalada Muqdisho Iyo Xulalka G/banaadir & G/mudug oo Soo Bandhigeen Ciyaar Xiiso Badan.

Waxaa si rasmi ah magaalada muqdisho uga furmay tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir, furitaanka tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka banaadir ahne duqa muqdisho Cumar Filish Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa iyo Guddoomiyaha xiriirka k/cagta soomaaliya C/qani Saciid Carab.

Ciyaarta furitaanka oo ka tirsanayd guruubka A ayaa dhexmartay xulalka G/mudug iyo G/banaadir, kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaaka dhacay garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/casiis, qaybtii hore ee ciyaarta xulka kubadda cagta G/mudug ayaa heleen goolkii ugu horreeyay kulanka waxaana u dhaliyay Ciyaaryahanka lambarka 7-aad  Fu’’aad C/rashiid daqiiqadii 24-aad ee kulanka, goolkaasi ayaana lagu kala nastay qaybtii hore ciyaarta Garsoore Xasan Baari oo ahaa garsoorka kulanka ayaan bixin wax calaamad ah qaybtii hore ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay labada xul waxey soo bandhigeen qaab ciyaareed ku dhisan weerar iyo weerar celis, waxaana xulka kubadda cagta G/banaadir ay keensadeen goolkii barbaraha ahaa ee ciyaarta waxaana u dhaliyay  ciyaaryahanka lambarka 6-aad C/rashhiid Cusmaan goolkaasi oo ahaa kubad laadka xurta ah (Free Kick) balse shan daqiiqo kadib xulka kubadda cagta G/banaadir ayaa laga dhigay kubad gool ku laad ah kadib markii ay diliinta ganaaxa ku jilaafeen mid ka mid ah weeraryahnada xulka G/mudug iyadoo gool ku laadkaasi uu gool u beddalay lambarka 13-aad Xasan Cabdi Xasan daqaiiqadii 53-aad qaybtii labaad ee ciyaarta oo hoggaanka kula  warreegeen xulka G/mudug 2-1.

Macalinka Xulka kubadda cagta gobolka banaadir macalin Daadir Amiin ayaa ciyaarta beddal ku keenay lambarka 28-aad Ibraahim Ilyees oo lagu beddalay  Ciyaaryahanka lambarka 10-aad xulka Gobolka banaadir daqiiqadii 50-aad, Ibraahim oo beddal ku soo galay kulanka ayaa xulkiisa gobolka banaadir u dhaliyay goolkii barbaraha ahaa ee ciyaarta daqiiqadii 87-aad kulanka Natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro 2-2 oo labada xul dhibcaha ku qaybsadeen.

Garsoore Xasan Baari ayaa bixiyay kaliya hal calaamad oo ah kaarka digniinta waxaana la siiyay ciyaaryahanka lambarka 4-aad u xirta xulka kubadda cagta maamul gobolka banaadir Ibraahim Mascuud Daqiiqadii 52-aad ma jirin calaamad kale uu bixiyay garsoore Xasan Baari.

Guruubka A waxaa ku wada jiro xulalka kala ah Gobolka Banaadir Xulka G/Mudug Iyo Xulka Hirshabeele.

WQ/ Daacad

Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor, text that says "ASTAANSPORTS SPORTS @ S ASTAAN AS"
Image may contain: 4 people, outdoor, text that says "f ASTAANSPORTS S ASTAAN"
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing, sky and outdoor, text that says "ASTAANSPORTS S ASTAAN"
Image may contain: one or more people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, people on stage, tree and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing and people playing sport
Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 11 people, people standing, people playing sport and outdoor
Image may contain: 11 people, people standing, people playing sport and outdoor
Image may contain: 11 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 17 people, people standing
Image may contain: 17 people, text that says "GO ASTAANSPORTS S ASTAAN"
Image may contain: 16 people, people standing

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button