SAWIRRO: Koonfur galbeed oo Guul Muhiim ah ka gaartay Jubbaland Kulankii xiisaha lahaa ee galabta
Kooxda Kubadda Cagta ee koonfur-galbeed ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulankii koobaad ee Guruurbka B Koobka Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka socda garoonka eng-yariisoow ee degmada C/casiis iyadoo kulankaasi ay la yeesheen kooxda Jubbaland uu ahaa mid aad u xiiso badan ooo ku biloowdey weerar io weerar celis.
Kooxda Koonfur Galbeed ayaa kubadda isla heshay waxaana na u suurtagashay daqiiqadii 26-aad iney helaan gool aad u qurux badan oo geeska laga keenay waxaana shabaqa ku hubsadey weliba isagoo la raacayey ciyaaryahanka lambarka 17-aad , waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay 1-0 oo ay Koonfur Galbeed hogaanka ku heeysay.
markii dib loo soo laabtay ayey dhinacyadu sameeyeen isku dayo iyo weeraro daqiiqadii 63-aad kooxda Jubbaland ayaa sigtay gool uu badbaadiyey goolhayaha kooxda Koonfur Galbeed, markalke ciyaaryahanka lambarka 9-aad ee Jubbaland ayaa kubad ku laaday goosha KF laakiin goolhayaha ayaa badbaadiyey.
Daqiiqadii 72-aad ayey Jubbaland heshay gool kulaad ama penalty markii daafaca KG Cumar Aadan oo sita lambarka 21-aad uu jalaafay C/Risaaq oo lambarka 11-aad u qaata Jubbaland,waxaase diidey in shabaqiisa dhaafto gool celiyaha kooxda KF Ibraahim Axmed Fikireey oo noqdey geesiga kulanka, wuxuuna kulanka guud ahaan kusoo dhamaaday 1-0 oo ay guushu ku raacdey Koonfur-galbeed oo sidaa hogaanka ugu qabatay GB oo ay kula jiraaan Puntland..















