Breaking NewsSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTAWorld

Garsoore Soomaaliyeed oo Qaban doona kulanka Finalka ee Koobka Cecafa

Garsooraha da’da yar ee Soomaaliyeed Cumar C/ Qaadir Cartan ayaa dhex dhexaadin doona kulanka kama danbeeysta koobka Bariga iyo bartamaha qaramada Africa ee Cacafa U-17, kaasi oo ka socda dalka Rwanda ayna isugu soo hareen Xulalka Tanzania iyo Uganda.

Garsoore Omar oo kamid ah garsoorayaasha heer FIFA ee ugu horeeya gudaha dalka iyo Bariga iyo bartamaha Africa ayaa ciyaartan ku muteestay dadaal iyo karti uu ka muujiyey garoomada qaaradda sanadihii ugu danbeeya isagoo sidoo kale dhibco wanaagsan ka helay tartanka iminka uu dhex dhexaadin doono Finalkiisa,ee Uganda iyo Tanzania oo soo kala reebay Jabuuti iyo Ethiopia.

Waa talaabo horumar leh oo uu qaaday garsoorka dalka Soomaaliya ee kubadda cagta oo aad usoo kobcayey sanadihii danbe waxaana garsoorayaasheena lagu amaanaa Dadaal dheeri ah,Dhexdhexaadnimo iyo Karti ay ka muujiyaan tartamada heer Naadi iyo heer Xul ee dibadda.

Sidoo kale waxaa kulanka beri xeer ilaaliye ka ah Caamir Cabdi Xassan oo xiriirka Soomaaliyeed Kubadda cagta katirsan.

By C/Xafiid Zaciimka

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button